Ganacsatada Soomaalilaan iyo Siyaasadda.

 

Ganacsigu wuxuu ku qurux badan yahay in uu ahaa mid xor ah, oo aan ku xidhnayn cid gaar ah, sidaasi oo kale ayey ganacsatada looga baahan yahay  inay ummadda ay ka shaqaysanayaan ay u muujiyaan madax bannaanida ganacsigooda. Haddii ganacsiga laga dhigo mid ku xidhan siyaasi gaar ah iyo bulsho gaar ah, taasi micnaheedu waa inay leeyihiin macaamiil ku xidhan siyaasi iyo taageerayaashiisa ama reer kiisa, oo ummaddii kale iska takooray. Ganacsatadu cidna maaha, waa kolba meeshuu ku jiro macaashoodu iyo faa’iidada halkay ka helaan. Waana lagama maarmaan inay dadka ku qaabilaan weji furnaan iyo dhaqan wanaag waayo lacagta ayey ummadda ka reebayaan, waa la yidhi” Customer is always
right”. Oo micnaheedu yahay macaamiilkaagu mar kasta wuu hagaagsan yahay.

Waayo dhaqaale ayaa ka soo geliya. Ganacsatada Soomaalilaan waxa ay ka qayb qaateen horumarka dalka iyo caawinta shacabka marka ay abaari dhacdo. Xaaji Cabdi-waraabe ayaa ka sheekeeyey wakhti abaari xuni ka dhacday Soomaalilaan, waxa aanu yidhi” iyaga oo abaar ba’ani ka taagan tahay Soomaalilaan, ayuu ganacsade Ibraahin Dheere keenay dekeda Berbera markab raashin ah, ka dib waa la isku qabsaday, oo rasaas ayaa la is-weydaarsaday, ka dib Kabtankii markabka ayaa su’aalay Ibraahin Dheere waxa ay tahay rasaastu, markaasuu ugu af-celiyey” waa damaashaad oo inaga ayaa la inagu soo dhaweynayaa”. Sidoo kale ganacsatada Soomaalilaan waxa ay qayb laxaad leh ka soo qaateen hub-ka-dhistii maleeshiyadii SNM-ta ahayd ee la odhan jiray DAYDAYGA.

Qoraalkan kooban waxa aan uga socdaa, waxa inta badan dhacda, marka ay timaado doorasho in ganacsatada soomaalilaan qaar ka mid ahi ay la kala saftaan kooxaha ku hirdamaya loollanka siyaasadda somaalilaan. Iyaga oo qaar kood taageero qaawan la garab istaaga xisbiyada iyo siyaasiyiinta u ordaya hogaanka dalka. Maaha wakhtigan oo keliya inay ganacsatadu siyaasadda toos u dhexgasho, oo ay kala raacaan siyaasiyiinta, balse waa dhaqan soo jiray oo ina soo maray waana filim aynu hore u soo daawanay. Horaantii sannadkii 1967-kii wakhtigii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee dalkii Soomaaliya, waxa is-bahaystay garab ka tirsanaa xisbigii SNL iyo garab ka tirsanaa xisbgii SYL oo ay kala hogaaminayaan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHN) iyo C/rashiid Cali Sharmaarke (AHN).

Waxa ay ku heshiiyeen in madaxweyne loo sharaxo C/rashiid Cali Sharmaarke, halka Maxamed X. Ibraahin Cigaalna loo sharaxay booska Raysal wasaaraha. Cigaal ayaa bilaabay ololihii doorashada waxa aanu soo wada maray goboladii Soomaaliya la isku odhan jiray ee wakhtigaasi. Magaalo kasta wuxuu ka jeediyey khudbad ku saabsan barnmaamiykiisa siyaasadeed. Ka dib waxa dhacay in nin ka tirsanaa ganacsatada ugu waaweyn ee wakhtigaasi oo reer Soomaalilaan ahaa, uu si cad uga soo horjeesto is-bahaysigii ay horkacayeen Cigaal iyo C/rashiid. Ka dib Cigaal ayaaa la shiray odayaashii iyo wax-garadkii reer Soomaalilaan iyo weliba reerkii ganacsadaha. Waxa aanu u sharaxay inay la hadlaan ninkaasi oo uu joojiyo taageerada dhaqaale ee uu sida qaawan u siinayo garabka ka soo horjeeda , oo weliba u badan reer Soomaaliya.

Odayaashii ayaa kulan kale la qaatay ganacsadihii, una bandhigay ujeedadii kulankooda iyo in uu Cigaal ka dacwoonayo, balse wuu diiday  inuu joojiyo taageerada dhaqaale, odayaashii ayaa hadalkii ku celiyey Cigaal una sheegay inay quus ka joogaan ganacsadihii. Ka dib Cigaal ayaa odayaashii markhaati gashaday kuna yidhi” goob joog ayaad u tihiin arrintaasi, haddii uu guulaysto mucaaradkaygu wuu adkaaday ganacasaduhu, haddii kale hadhow yaanu cabanin.” Waa sidaasi ayey ugu af-celiyeen. Doorashadii la gel, waxaana guulaystay is-bahaysigii C/rashiid iyo Cigaal, ka dib Cigaal wuxuu tallaabo cad ka qaaday ganacsadihii, sida qaawan ula saftay mucaaradkiisa, waxa aanu xanibay ganacsigiisii ka bilow Berber ilaa Muqdisho. Halkaasin waxa ku burburay dhaqaalihii ganacsatadaha.

Waa tii Soomaalidu tidhi” nin ba waa mare mus ma kula koray.” Ganacsadaasi umay furnayn waan-waan lagu dhexgalo Raysal wasaare Cigaal waayo hore ayuu albaabkaasi u soo xidhay. Waa tii la yidhi” Afeef hore dhigo ama adkaysi dambe yeelo.” Ganacsaduhu wuxuu si dadban u bixin karaa dhaqaale uu siiyo dhammaan kooxaha isku haya hogaanka dalka, balse inuu si qaawan dhinaca ula safto waa gef weyn oo uu ka galay ganacsigiisa. Xogtan waxa iiga waramay Cumar Xaaji Cabdi Oogle oo ka mid ahaa siyaasiyiintii xisbgii NUF ee Maykal Maryama hogaaminayey horaantii sannadkii 1957-kii. Dhacdadaasi waa taariikh mudan in wax lagu qaato, ka dibna laga baydho inay mar kale inagu soo noqoto, oo weliba ganacsatada wakhtigan ku hawlan inay si qaawan u kala raacaan siyaasiyiinta kors doonka. Dhacdo kale oo taasi la mid ah ayaa Hargaysa ka dhacday dhawaan.

Nin haysta Bacadle ayaa meheradiisii ku dhejiyey sawirka iyo magaca musharax uu taageersanaa, ka dib macaamiishiisii ayaa ka biyo diiday, waxa aanay u wareegeen meherado kale. Mar dambe ayuu dareemay inuu ganacsigiisii meel kaga dhacay, markaasuu ka fujiyey sawirkii musharax, raaligelina ka bixiyey khaladkii dhacay. Markaa ganacsatadu waa inay ogaadaan taariikhda inay wax ku qaataan, oo la kala madax baneeyo siyaasadda iyo ganacsiga. Haddii kale dhacdooyinkaasi oo kale ayaa kugu dhici.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com