Ganacsatada Shidaalka Dalka Keena Oo Kulan Lagaga Codsanaayo Inay Jabiyaan Shidaalka Ay Wasiiro La Yeesheen

Hargeysa(SLpost)-Kulan balaadhan oo dhex maray wasiirada arimaha gudaha,ganacsiga iyo wasiirka duulista iyo hawada iyo ganacsatada soo dajisa shidaalka dalka yimaada ayaa diirada lagu saaray sidii shacbigu uu u heli lahaa shidaal jaban.

Wasiiradan ayaa ganacsatada ka codsaday in loo baahan yahay wakhtigan in shdaalku uu aad ugu jabo shacbiga Somaliland maadaama oo uu ka jabay saylahada dunida, ganacsatada ayaa iyaguna dhankooda soo bandhigay qiimaha ay dalka ku keenaan ee ay ugu wareejiyaan kaalmaha shidaalka ee iyagu sii iibiya.

Kulankan ayaa laga filayaa in uu isbadal ku keeno qiimaha shidaalka ee dalka oo aan wax badan iska badalin iyada oo shidaalka caalamku uu gaadhay heerkii ugu hooseeyay, waxa sida oo kale dhawaan dhacay kulan shirkadaha dabka siiya Hargeysa lagaga codsanaayay inay jabiyaan qiimaha ay dadka dabka u xisaabiyaan.