Ganacsade Cali Ibraahim oo Sheegay inaanay Xukuumaddu Shaqo ku lahayn Keenista Shidaalka

Hargeysa (SLpost)- Ganacsade Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar muddooyinkii u dambeeyey bulshadu isla dhexmaraysay oo lagu sheegay in xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ay dalka Keenayso Shidaal.

Ganacsade Cali Waraabe oo ka mid ah ganacsatada dalka keenta shidaalka oo telefishanka HCTV wax ka weydiiyey jiritaanka Arrintan, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka arrintan ku saabsan, isagoo sheegay inay ganacsatada Shidaalku madaxweynaha u tageen kalana hadleen Arrinta Haamaha Keydka Shidaalka.

“Anigu inta aan ogahay ama dowladdu noo sheegtay, horta wax la wareegis ahi ma jirto, saxaafadda uunbaanu ka aragnay. Annagoo ah ganacsatada shidaalka oo dhowr iyo toban ka kooban, ayaanu u tagnay madaxweynaha oo waanu la kaftannay oo waxaanu ku nidhi, madaxweyne, haddii meesha dowladdu imanayso, naga qabo…”

Faahfaahinta Warkan iyo Hadalka uu Ganacsaduhu ku faahfaahiyey Arrimahan, kaga bogo muuqaalka Hoose

 

Madaweyne Biii ayaa sannadkii tagay digreeto uu soo saaray waxa uu ku shaaciyey inuu gacanta dowladda dib ugu soo celiyey Maamulka Haamaha Keydka ee Shidaalka magaalada Berbera oo ay hore gacanta ugu hayeen Iskaashato Ganacsato ah oo dalka keena Shidaalka kuwaas oo ay ku wareejisay xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay.

Somalilandpost.net