Ganacsade Cabdiraxmaan Boreh Oo Maxkamada Dalka Ingiriiska Kaga Adkaaday Dawlada Jabuuti

Uk(SLpost)-Maxkamad ku taal dalka Britain oo dhagaysanaysay dacwad u dhaxaysay dowladda Jabuuti iyo madaxii hore ee maamulka dakadaha iyo soonka xorta ah ee Djibouti, Cabdiraxmaan Boreh, ayaa ku dhawaaqday in dacwadaha ka dhanka ahaa ganacsadaha iyo shirkadihiisa ay guuldaraysteen.

Maxkamadda, ayaa sheegtay in wax dambi ah lagu waayay Boreh, eedo u badnaa musuqmaasuq iyo lunsi lacagihii qaranka si naftiisu ugu faa’iideeyo.

Guud ahaan qarashka ku baxay intii dacwaddan socotay waxaa lagu qiyaasay lacagta ku baxday ilaa 90 milan oo dollar..

Qareenadii u doodayay dowladda Djibouti, ayaa saaka markii ay soo xaadireen maxkamadda sheegay in aysan dood ka qabin go’aanada xaakima oo ayna ogolaadeen natiijada.