Gacan-ka-hadal iyo Buuq ka dhashay Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo lagu kala kaay iyo sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Buuq iyo muran sababay in lagu kala dareero, ayaa ka dhashay fadhigii golaha Wakiillada Somaliland ee maanta, ka dib shirguddoonku soo jeediyey in si aan hubin lahayn lagu ansixiyo Wax-ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Dalka.

Waxaanay taasi sababtay in xildhibaannada qaarkood ka biyo-diidaan soo-jeedinta shir-guddoonka Golaha, waxaanay mudaneyaashu tilmaameen in Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Axmed-yaasiin Sheekh Ali Ayaanle oo fadhiga shir-guddoominayey uu golaha af-duubay.

Buuqa iyo sawaxanka fadhiga maanta, ayaa sii xoogaystay kaddib markii Xildhibaan la sheegay inuu gacan-ka-hadal isku dayey uu Shir-guddoonku amray in dibedda looga saaro fadhiga, taasoo sababtay in fadhiga lagu kala dareero isla markaana lagu guul-darraysto in xeerkaasi la ansixiyo maanta.

Muuqaalka Hoose ka daawo Jewigii Maanta ee Golaha iyo sida wax u dhaceen