GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR Qalinkii Libaan Xaaji Fagadhe Qormadii 2aad

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynumilicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

QORMADII 2AAD

Anigu libaan ahaan idinma odhanaayo mujaahid,qoraa,iyo siyaasi toona
waan ahey ee waxaan kamid ahey shacbiga reer somaliland, xaq baan
uleeyahey inaan ka hadlo dhibta waxaanad ogaataan somaalidu waxay
tidhaahdaa (DHEGTA IYO ISHA ) Waxa da’ ahaan weyn DHEGTA taariikhdu
hadii laqoro oo fac-ba fac amaba da’ba da’ soo gaadhsiiso malunto .
waxaan dib idiin xasuusinayaa ALE GARABKIISA HA TAAGNAADO qormooyinkii
BOOBE dadku hadey dhugtaan dibna ugu noqdaan khilaafka maanta aad
layaabantihiin waxa uu soo bilaabmey xiligii halgankii markii uu
siilaanyo qabsadey gudoomiyana kanoqdey ururkii dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM madaxweynaha hada talada haya ee
Siilaanyo oo siyaasadiisii ku bilaabey kala qeybin, qas, nin jeclaysi iyo majara
habaabin, waxa uu baabiiyey hanaankii iyo habsami-u-socodkii uu
ururku lahaa ,waxa uu bilaabey inuu gudiyada uu maanta dadka ku
dawakhiyey oo kale bilaabey waxa uu ururkii SNM ku beerey xumaan iyo kala
fogeyn uu mujaahidiintii kala fogeeyey isagoo ahaa gudoomiyihii ugu
mudada dheeraa waxa bilaabantey shaki iyo kalsooni la’aan uu ku beerey
dhexdooda ,taasi waxa kasii daran in uu dad kooban la tashado oo uu
dabadeedna katalo qaato,taasina waa ta maanta markii uu madaxweynaa
noqdey uu ku bilaabey bulsha weynta reer somaliland oo ilaa hada
khilaaf weyni kataaganyey.

Waxa lagu xasuustaa xiligii uu SNM qabsadey Axmed maxamed maxamuud siilaanyo inuu SNM mujaahidiinta oo meel uwada jeeda kala durkiyey oo uu aad ukala fogeeyey isagoo mujaahidiintii xaqa aheyd ukala saarey Habar habar,Beel beel,Ardaa ardaa,Baho baho,Gaashaan-buureysi.
waxaa taana markhaati u ah maanta arinta kala fogaanshaha shacbiga reer somaliland oo mudadii ugu dambeysey ee uu wadanka madaxweynaa ka ahaa ay bulshadii sii kala fogaaneyso waa tii uu ku kala fogeeyey beelaha u waaweyn ee oo ay ka mid tahaey beesha waqooyi iyo galbeedka hargeysa oo uu aad u kala fogeeyey miyaaney maantana cadeyn u aheyn ta taagan ee beesha ka dhex aloosan ileyn isaguunbaa gacanta kula jira oo kala fogeynaayee oo aad maanta utaagneyd inay suldaano hadleen oo ay eedeeyeen suldaankoodii guud .

Muj Ismaaciil M Gadiid iyo Mujaahidiin kale oo ay weheliyaan dhalintii
hargeysa ee ka midka ahaa ardeydii sideetanaadkii talaabey ee ka midka noqdey mujaahidiinta SNM kana dhiidhiyey dhibtii oo aan kula kulmey
LONDON maalimihii la doortey Siilaanyo ayaan weydiiyey Muj Ismaaciil
Gadiid maxaad ku saluugsan tehay siyaasada Siilaanyo iyo Mujaahidiinta
maamulka la wareegey? wuxuu iigu jawaabey waqtiguba wuu ii markhaati
furi doonaa ee hadaan kuu taabto Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada
shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo
bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto,
odayada kale ee ka mid ahaa hogaanka umada 30-kii sanadood ee la soo
dhaafeyna waxaan u arkaa inay ku guuleysteen himiladii SNM
imtixaankaasna kaalinta koowaad ayeey galeen, waxaanse tuug xadi karin
inay ku dhaceen imtixaankii ka danbeeyey ee SOMALILAND ka dib markey
ku noolaan kari waayeen hadafkii dhimashada iyo burburka ay ugu
badheedheen, isla markaasna loo baahan yahay in JIIL-KAYAGU u
istaagaan hanashada iyo gudashada waajibaadyada hadhey, odayadana
nasiyaan inta cimrigooda ka hadhey si aaney taariikhdu u dhiman iyagoo
nool.

Akhriste waxa layaable dhaqankii siyaasadii iyo mowjadihii uu la
dhextagey SNM sida ay Mujaahidiintu kor ku soo xustey ayuu maantana la
dhex yimid shacbi aan wali dhibtii soo martey ka bogsan,tani waxay
dhaxalsiisey cahdigii SNM inuu siilaanyo ku waayey inuu markale ku
guuleysto urukii mujaahidiinta SNM oo xataa lasheegey in markii ay soo
galeen 1988 kii aanu kaba war heyn oo ay iyagu iskood isku soo
maamuleen magaalooyinka Burco iyo hargeysana ka bilaabeen dagaal
iyagoo aan wax saada heysan ama wax ku filan oo ah cunto iyo shidaal
,taasi micnaheedu waxa uu yahey axmed siilaanyo madooneyn in
mujaahidiintii SNM guuleysato ee waxa uu rabey iney is dhiibaan oo hal
hal loo dilo, ALLAH waa u gargaarey oo waxa ay isku soo qaadeen xoogii
ciidamada faqashta taasi oo ay garab badan kaheleen dadkii shacbiga ahaa
ilaa loo talaabey qaxoontiyadii shacbigu tageen.

Iyadoo mujaahidiintii badankoodu kala qeybsan oo ay kala shakisanyiin qaarkoodna lagaran waayey sabata loogu diley SNM iyagoo dhexjooga ilaa hadana wax cadeyna loo heyn ayaa la abaabuley shirweynihii SNM ee ka dhacey Baligubadle 1990 waxaanu ahaa shirkii ay mahadisey SNM iyo shacbigu oo ahaa mid guula waxa gudoomiya nimadii mujaahidiinta SNM lawareegey C/RAHMAAN A CALI, xiligaasi laga bilaabo waxay mujaahidiintu si caadiya ugu soo noqoneysey in ay isfahmaan oo marba marka kadambeysa khilaafkii,shakigii,qabyaaladii,kala qeybsanaantii iyo waxyaabihii foosha xumaa ay soo dhamaanayeen xiligaasi waxay mujaahidiintii garatey hadii ay mar sedexaad ugu celin lahaayeen in aanu halgankuba dhamaadeen oo dadkana ku dhamaan lahaayeen wax khilaaf isku dila iyo qaar faqashtu disho iyo qaar gaajo umadha.

sawir-200x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LASOCO…