GABOOYE IYO GUMEYSTEYAAL: Goobitaanka Geesi Walaaleeya Somaliland!‏ (RIWAAYAD QORAN)

siciid maxamuudWaa riwaayad qoran. Curiyaheedu waa Siciid Gahayr… Waxa soo saaray Akadamiga Suugaanta iyo Cilmibaadhista oo magaciisa rasmiga yahay SAM-KHAATUMO! Muddo afar bilood ah ayay soconaysaa haddii Alle idmo! Waa xujo ku socota nin kasta oo sheegta aqoon kuna abtirsada Somaliland. Alla maxaa indheer-garad ceeboobi doona marka la gaadho bisha sagaalaad haddii Eebbe igu simo. Waa geed ay ku garnaqsan doonaan Gabooye iyo beelaha kale ee Somaliland oo riwaayaddu u aqoonsanayso Gumeysteyaal. Haddii la ii hanjabi lahaa, waxa aan ogahay in samirka lagu gaadho guul! Dhaaxo ayaan qalin, af, caqli, caaddifad ugu adeegay reer Somaliland, gaar ahaanna inta aan ka guursan Gabooye. Nin liisan bixi kara oo aan cay aan u debcin baan ahay, halgankii Nebi Maxamed ayaan ka bartay casharro aan ku tamariyo. Magaca aan sitaa waa Gabooye, waxa aan hiil u ahay muslimiinta aad hayb-soocdeen! Waxa ka qayb-doona

 

Gobsoor: Jilaa ka socda beelaha wax hayb-sooca

Gumeyste: Wiil lagu ababiyay nacaybka Gabooye oo 13 jir ah!

Gaari: Dhabeel aqoonyahan ah, haweenay ka mid ah beel-weynaha Gabooye

Garaad: Madax-dhaqameed reer Somaliland ah

Gadhweyne: Caalin ku xeel-dheer diinta

Goomayste: Siyaasi gabay doorkii Gabooye ka mudnaa!

Ganacsade: Hantiile dadka ku guubaabiya in aan Gabooye laga guursan

Gadgaddoon: Shan-wejiile mar iska dhiga Abwaan, kol Macallin, Kol suxufi, kol

Gawgaw…. Fura albaabka, miyaanay Sheekhii, Abwaankii, Suldaankii, Garaadkii,

 

Madaxweynihii, Guddoomiyihii Baarlamaanka, Ugaaskii, Boqorkii, Aqoonyahankii, Wasiirkii, Agaasimihii guud, Taliyihii ciidammada Qaranka, Booliska, Asluubta, Garsoorkii maxkamadda iyo indheer-garadkii Somaliland joogin… garaac kale albaabka fura dee adeer, waa sidee….

Gabooye: Waaryaadheen iska warrama?

 

Gumeyste: Acuudu billaahi mina shaydaani rajiim. Waar kaagani xaggee ayaad naga soo salaantay. Ma geydid in aanu bariidada kaa qaadno, waxaad tahay midgaan, yibir, cadaqaate, samaayo-ururshe, ma magtii Bucur bacayrkii daallinka ayaad naga rabtaa! Adeer wiilba nooma dhalane, ma gabadhii uurka lahayd ee aad maalintii dhawayd sheedda ka dheehatay ayaad wiil moodday. Imaka samaayaha waxaanu siinaynnaa beelaha kale ee Somaliland. Aabbo wuxuu yidhi albaabka ha ka furina nin Daammi ka yimi!

 

 

Gabooye:

Daammi waa dhulkeenniyo

Degmadii Hargeysee

Duqa aanu tebaynnaa

Waa dabin-tigagahaas

Xumo kuu dardaarmee

Da’yaraan adaa wacan

Damiirkaagu korayaa

Diintiyo kitaabkaan

Marti daaddifaynteed

Daliil looga helin karin

Daayinkaan ku mariyee

Duhur baan u soo kacay

Inaan aabbe deex iyo

La wadaago doodee

Dafiraad hadduu baxay

Aniguna daleel iyo

Milic duuri maayee

Dhaaxuu digtaatoor

Igu doobinayee

Ii diirnax maantoo

Daayinkaan ku mariyee

Darmo ii dhig gogoloo

Islaam baan kuu diran

Deyn waxan ku leeyahay

Duunyada ka haystee

Adigoon dambaabidho

Igu sii dinnaahiyin

Duunyo goobi maayee

Daliilkuu cuskaday sheeg

 

Gumeyste:

Wuxuu yidhi aabbo

Hadduu jin istaaago

Afuufaya naaro

Gabooyuhu waa ul

Iblaysku ku guuro

 

Wuxuu yidhi aabbo

Midgaanka urtiisa

Hadduu iniq maanku

Sankaaga uftiisa

Udgoon ma qireenba!

 

Wuxuu yidhi aabbo

Dad weeye islaamka

Ku sheegta af beena

Haddaad irbad siiso

Ammaanada leexsha

 

Wuxuu yidhi aabbo

Dad weeye aqoonta

Sidii uskag mooda

Iskuulka ma joogo

Dharaar ardaygoodu

 

Wuxuu yidhi aabbo

Aheey liq xalaala

Afkoodu ma quuto

Illaa Ingiriiska

Bakhtaa u ah oonta

Arsaaqda u fiican

 

Gabooye

Adeero adeero

Istaaqfurllaay dheh

Hadii jin istaago

Acuudu bilaahi

Eraan didiyaaye

Hadduu yay islaam dhab

Kumaa isir-gooyay

Agoonta woqooyi

Afweyne cidduu yay

Kumaa afti qaaday

Inaan nahay uunka

Dad iinta u kow ah

 

Udgoonka naftayda

Hablaa ubaxaygu

Nin uunsi u jeelay

Haddaan mar u oogno

Uhduu u dhacaaye

Irdhaynta dhashayda

Ujeeddadan weecsan

Kumaa akhriyaaya?

 

Kumaa i amaahshay

Adduunyo dhaqaale

Dabeed inkiraadda

Afkaygu ku dayrshay

Ilaaqda dadkiinnu

Xun bay uriyaane

Kumaanan oofin

Wuxuu axdi doono?

 

Abaabul tacliinta

Haddeer ADEM fiiri

Libaanna bal eega

Ogow waa Barkhad waa gob

Istaahil wasiir ah

Haddaan jahli eednay

Awaare ka toosnay?

 

Haddaan bakhti eegto

Ableyda biraynta

Maxaan u afeeyay

Hadmaan abxaddayda

Inkaarta u quudhay

Bal keen marag iinta

“anaa arkayeey” leh

Asluubta waxsheegga

Edaabta ha laalin

Waxaanad ogeynba

Odhaahda ka dhawrso

 

Gumeyste

Ollogaygu waa dad

Amintiiba beenta

Ku afuufa meele

Tusbax oogadaada

Ka iftiima qoorta

Sujuddiyo ilayska

Araggaygu dheh

Ixtiraamka weedha

Edebtaada fiican

Dhegta waa u eegga

 

Orta baaqa yeedhmo

War idaacaddaydu

Eedaanka sheegto

Aroortii ma dhuuxo

Sadarkay aroorta

Uugaanka beenta

Inaadeerku baahsho

Arrad baa ka muuqda

 

Adoogay warkiisa

Asmacaan maqlaaye

Wuxu aabbo leeyay

Aji baan haybta

Eebbaa na doortay

Annagaa dastuurka

Ku aguugna beenta

Iidoorku waa dad

Xamar eersanayaa

 

Aargoosi hoose

Axdiyaal ku qaatay

Arbe waa docdooda

Oday waa dhankooda

Aqallada wakiilka

Qeybe waw ilduufnay

Ubucdiyo wasiirka

Madaxweyne eegto

Ictiraafka doone

Arrimaa gudaa xil

Amnigaan u gaadhnay

Ahe maalka Haashin

Abtirsiimo leexsan

Kuma aamminayo

Ereyada tacliinta

UFO yaa labeeya

Aqallada garsoorka

Aarkaa fadhiista

 

Sidaan kuu af-duubay

Awdaleey car nuuxso

Ku-xigeen la aammus

Anigoo ESTII ah

Adh-caddeeye yaa leh

Maakhirow astaynta

Ku afuuf Darwiishka

Faqash ima amrayso

Rayaalow ushaydu

Irriday ku dhaafin

Tolwaa waa ab Daahir

Illow waan halmaamay

Abaal yeelan maayo

 

Haddii aad iskuulka

Afar gee i leeday

Eeggaan ku siine

Uugaanka jooji

Aakhiraa caddaalad

Alle keenayaaye

Adkaysoo sab baad tay

Midgo oomintoodu

Ajar weeye khayrleh

Gunta waan albaabi

Gobta waan ilaashan

Yibir waan adeegsan

Eedduu xambaaran