Gaboose Oo Samaystay Shaqaale Ammaantiisa Qora + Mushahar Fiican

Waxaan salaam qaali ah u dirayaa dhamaan ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Aniga oo ah dadka aadka uga war haya hawlaha siyaasadda Somaliland, aad iyo aadna u og saxaafadda iyo hawlaheeda ay qabato.

Waxaa muddoyinkii u dambeeyey ee uu gaboose ku dhawaaqay urur siyaasadeedka aad u soo batay maqaalo lagu amaanayo, kuwaas oo raga soo qora aanan hore u arag maqaalo ay leeyihiin balse ku cusub shaashadaha afkaarta lagu qoro isla markaasna aad uga aradan hanaan qoraalka iyo sida wax loo qoro.

Waxaanad dareemaysaa inaanu ahayn qofkan wax soo qorayaa mida hore wax u qori jiray balse uu yahay mid hada bilaabay isla markaasna waxaa kuu cadaanaysa inuu qof kaliya ama laba qof yahay waxan cida soo qoraysaa.

Waxaa rag xogoogaal ahi ii sheegeen inuu gaboose lacag u qoray shakhsiyaad isaga amaana isla markaasna caaya oo aflagaadeeya siyaasiyiinta loolanka kula jira ee shaashadaha ku haysta.

Taasi waa guuldarro iyo kalsooni darro uu muujiyey gaboose isagoo laba cisho tartanka usoo banbaxay waxaanan leeyahay waar bal horta intaydaan wax amaanin ee aydaan gaboose waxba ka qorin sida wax loo qoro barta isla markaasna kala duwa maqaaladan oo u ekaysiiya wax dadbadani qoreen.

Teeda kale aflagaadada cid gaar ah aad kula dul-kufteen waxay cadaynaysaa khiyaamadiina iyo inaad tihiin laba qof ama qof kali oo mushahar gaboose ugu qoray sidii ay hebel u caayi lahaayeen.

Maxamed Xuseen

Qaraami143@live.com