GABILEY: Wasiir Waran-cadde oo Xadhigga Ka Jaray Mashruuc horumarineed oo Dowladda Hoose Hirgelisay

SawiroGabiley (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa xadhigga ka jaray mashaariic horumarineed oo maamulka golaha Deegaanka ee degmada Gabiley ka hirgeliyey magaaladaas.

Mashruuca wasiirku xadhigga ka jaray oo ah Korontada laga dhaliyo  Tamarta Qorraxda  (Solar System), waxa furitaankiisa goob-joog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga, Maamulka degmada iyo Gobolka Gabiley, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN