GABILEY: Suxufiyiin u xidhan Xisbiga Kulmiye oo Maxkamadda Degmadu u dirtay 14 Caano-maal oo Rumaan ah

Mukhtaar Nuux IbraahimGabiley (SLpost)- Maxkamadda degmada Gabiley, ayaa todoba cisho Rumaan ah Xabsiga ugu dirtay Suxufiyiin ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha gobolka Gabiley, kuwaas oo loo xidhay war ay ka baahiyeen Calanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo dhalinyaro gadoodsani ku gubeen magaaladaas.

Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo telefishanka Madaxa-bannaan ee HCTV uga hawl-gala gobolka Gabiley, ayaa habeenkii Jamcihii ciidamada boolisku Xabsiga u taxaabeen, halka wariyaha labaad oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo telefishanka SOMSAT uga hawl-gala gobolkaas ay Ciidamada booliska gelinkii dambe ee shalay ku xidheen Saldhigga Dhexe ee magaalada Gabiley, ka dib markii maamulka gobolka ee xisbiga Kulmiye dacwad aan sharciga waafaqsanayn u gudbiyey bashasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Shiine oo taliyaha Qaybta Booliska ee gobolkaas ku amray Amarka Xadhigga labada Suxufi oo axsaabta mucaaradka iyo bahda Saxaafaddu cambaareeyeen sifaha loo maray.

Xeer ilaalinta degmada Gabiley Maxamed Biixi, ayaa maanta warbaabinta uga warramay eedaymaha loo haysto labada suxufi iyo go’aanka madaxkamaddu maanta xabsiga ugu dirtay todobada maalmood ee rumaanka ah.

HALKAN KA DAAWO