Gabiley: Murashax Xildhibaan oo Deeq Raashin ah gaadhsiiyey Deegaamo Abaaro saameeyeen

Gabiley (SLpost)- Bulshada ku dhaqan Deegaamada Ilinta Weyn iyo Cooflay oo ka mid deegaamada abaaruhu saameeyeen ee gobolka Gabiley, ayaa maanta la gaadhsiiyey deeq Raashin ah, waxaana masuuliyaddaas isa saaray mid ka mid ah murashaxiinta u taagan doorashada Golaha Wakiillada.

Murashax Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh oo ka mid ah Dhalinyarada gobolka ee shaaciyey inay gobolka iu metelaan golayaasha Sharci-dejinta, ayaa deeqda oo isugu jirrat Raashin iyo Maacuun gaadhsiiyey dadweynaha ku dhaqan deegaamada abaaruhu ku dhufteen oo baahi weyn u qabay.

 

Faahfaahinta Warkan kaga bogo muuqaalkan hoose

 

 

Talaabadan Xildhibaan Musharax Maxamed C.laahi Bookh ayaa kamida ku naadirka ku ah Siyaasiyiinta iyagu bulshada ka doonta codka wakhtiga ay doorashadu joogto oo kaliya, islamarkaana ay yar tahay inta sidan oo kale wax uga tarta baahiyaha bulshada, taas oo badalkeeda ay la hortagaan wakhtiga ay codka ka doonayaan Ilamadii yixaaska iyo walaalayaal codka isiiya.