Gabiley: Magacyada Shan qof oo ku geeriyooday Shil Baabuur oo dhimasho iyo Dhaawac

Gabiley (SLpost)-Shan qof ayaa ku geeriyooday, afar kalena way ku dhaawacmeen shilbaabuur oo shalay abbaaro 5:30 galabnimo ka dhacay dooxa dhinaca Galbeed ka xiga magaaladda Gabiley.

Shilkan ayaa yimi ka dib markii baabuur noociisu yahay 4.5 oo ah kuwa jaadka Qaddima uu jiidhay baabuur Grande ah oo ku sii jeeday degmadda Wajaale, waxaana isla goobta shilku ka dhacay ku qudh baxay shan qof oo haweenay Xaamilo ahi ku jirtay taas oo ninkeeduna ka mid yahay Afarta nin ee geeriyooday, halka afar qof oo laba dumar yihiin oo labada gaadhi kala saarnaa ay si xun ugu dhaawacmeen.

Maydadka Shanta qof ayaa isla markiiba la dhigay qolka maydka ee cusbitaalka guud ee Gabiley, halka afarta kale ee dhaawaca ahna lagu daawayno isla cusbitaalkaascusbitaalka guud ee gobolka gabiley.

Deeqa Cumar Xaaji Siciid oo ah Dakhtar ka hawl-gala Cusbitaalka Gabiley ayaa sheegtay, in xaaladda oo ramadaan ah iyo Shilku dhacay oo ku soo beegmay wakhtiga Aftirka oo dadka argagax ku abuuray awgeed, aanay haynin magacyadda shanta qof ee geeriyooday.

Maaha markii ugu horeysay ee wadayaasha gaadiidka jaadku ay shilal noocan oo kale oo khasaare kala duwan geystay ka dhacaan deegaanadda Somaliland, waxaanu noqonayaa inta la ogyahay shilkii afraad ee gaadiidka jaadku sababaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Magacyada dadka shilka ku geeriyooday.

  1. Axmed daahir Cabdisalaan
  2. Saynab Cabdiraxmaan X. Muxumed (Haweenayda Xaamilada ahayd)
  3. Maxamuud Siciid Maxamed (Sayga haweenayda Xaamida ahayd)
  4. Faysal Maxamed Shide….
  5. Maxamed Xaashi Yaasiin

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net