Magaalada Gabiley waa deegaanka ugu soo dhaw caasimadda ee magaaloobay waqtigii Hargaysa la dagayay, dadka taariikhyahankuna waxay yidhaahdaan way wada socdeen labadii Sheikh ee aasaasay Hargaysa iyo Gabiley. Waxaa ku yaala adeegyad aasaasiga ah sida waxbarashada kuwo dawli ah kuwo madax banaanba. Waxay leedahay laydh afar iyo labaatanka saacadood shaqeeya. Waxaa ku yaala cisbitaal iyo goobo caafimaad oo si gaara loo leeyahay. Nasiib wanaag biyihii ceelashiii Botoreed waa la soo galiyay biyo la’aana looga baqan maayo. Adeegyada isgaadhsiinta shirkaduhu dhamaantood waxay ka furteen laamo waxaana laga helaa adeeg dhamaystiran. Magaaladu waxay leedahay laba sariibadood oo caanaha iyo hilibka lagu iibiyo kuwaasi oo dhismay waqtigii Siyaad Barre. Magaaladu waxay leedahay dugsiga sare ee Timacade oo labada galinba la dhigto, laba dugsi oo hoose dhexe ayaa ku yaala oo galaasyada qaarkood ay fadhiistaan boqol iyo wax ka badan. Dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa konton kun ooqof oo waagii hore beeralay ahaan jiray iyo xoolo dhaqato. Dabeecadda dadka daga waa dad qabow oo quyar socoda. Waa magaalooyinka ugu rabshadaha yar tuuga iyo budhcadu kuma noolaan karaan. Bulshada ku nool waxay si gaara u tix galiyaan qofka aan deegaankaa ka soo jeedin ee maamul looga soo dhigo aad baanay ugu farxaan marka loo soo badalo dhamaan shaqaalaha dawlada ee loo soo magacaabo. Inta badan shaqaalaha ka shaqeeyaa waxaa Gabiley laga beddelaa iyagoo jeebkooda wax ku jiraan muuq ahaana ladnaystay. Dhanka siyaasada, urur walba wuu tagaa, waa la soo dhaweeyaa wax dhadhamo dhaafsana ma waydiiyaan halka magaalooyinka dhiggeeda ah ururka tagaba la hor dhigo mashruuc qabyo ah lagana shubo lacag aad u badan. Siyaasiyiinta Gabiley ka soo jeeda ayaa ah kuwo si wayn isku khilaafsan cid kale in ay dhaaftana diiddan. Golihii deegaanka ee u horeeyay ayaa gabi ahaanba ku fashilmay xilkii bulshadu u igmatay kuwaasoo awoodi waayay in ay xalaashadaan gunada oo ay kal fadhiyo iskugu yimaadaan waxaanay dhaxalsiisay in maayar dibad jooga oo bilaa saxeexa iyo ku xigeen ah kusime maayar oo marwada madaxwaynuhu shahaadad gudoonsiiso wax qabad lagu sheegay waxay garashada saliimki iswaydiinaysaa ku simahan maayarku muxuu kaga duwan yahay maayarada kale eedalka maxaase lagu macnayn karaa xidhiidhka ka dhexeeya marwada madxwaynaha marka laga tago tii xisbinimo waxaa is waydiin mudan yaa ku eedaysan hoos udhaca maqaamkii gabiley waxaan filayaa in dawaynaha ka xoog batay koox dumara oo aan illaahay u baryayo in wixii loo abuuray ilaahay garansiiyo iyo safka madax dhaqmeedka oo aan leeyahay waligayo idin saamixi mayno golaha deegaankana waxaan ku dhaafayaa waa inoo qiyaamaha
Waa wax lala yaabo oo aan la aqbali Karin hab dhaqanka maamulka gabiley run ahaantiina waa ficil xun meelo badanoo soomaali land kamida aan ka suurto gasheen hadii tusaale usoo qaadano badhasaabka gobolka gabiley m ,cali nuur aw aadan waa qurba jooge londhon uga yimid xilkan loo soo magacaabay mar kale badhassb ku xigeenka cali cabdi cabdi laahi waxuu ka mid ahaan jiray shaqaalaha wasaarada maaliyada waaxda cashuuraha bariga si rasmiyana udaganaa magaalada hargaysa waxaanu ka soo shaqo tagaa hargaysa maamulaha bangiga gabiley oo ah hay,ada kaliya ee nasiib u heshay in ay isla dayr qudha kuwada yaalaan guriga loo talo galay in uu dago xaaska maamuluhu balse waxuu ka door biday in uu daganaado hargaysa oo uu galabtii ka caraabo aroortiina ka soo ka laho xisaabiyaha gobolka ayaa isna ka soo shaqo taga hargaysa maamulaha kastamka kalabaydh iyo ku xigeenkiisa ayaa iyaguna lamid ah taliyaha xabsiga gabiley taliyaha saldhiga gabiley dhamaantood waxay ka soo shaqo tagaan hagaysa maayarka dagmada gailey ayaa ah masuulkii ugu danbeeyay ee ka guura gabiley iyadoo ku sabobaysay magaalo aan wax barashadeedu fiicnayn sidoo kale gudoomiyaha maxkamada ayaa ka soo shaq taga hargaysa isku soo wada duubuu dadwaynaha reer gabiley waxay u arkaan dhaxalkii codkii faraha badnaa ee madaxwane siiraanyo madaxwayneha ku noqday iyadoo dadwaynuhu ku jiraan codkaygii eersaday
Wariye: sacad maxamuud gadhle
Tell : 4669910 sacadgadhle@hotmail.com