Gabiley: Machadka Faafinta Islaamka oo Ardayda Dugsiga New Gabiley Muxaadiro diini ah u qabtay

Gabiley (SLpost)- Machadka Faafinta Islaamka ayaa muxaadiro diini ah u qabtay Ardayda Dugsiga Hoose dhexe ee New gabiley ee Magaalada Gabilye.

Kulankaas oo ka dhacay Xarunta Iskuulka New Gabiley, waxa ka qayb galay Isu duwaha Diinta iyo Awqaafta ee Gabiley, Wakiilka Machadka ee Gabiley, Wakiilka Machadka ee Gobolka Hawd, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Dugisga, waxaana ardayda laga wacyi geliyay wixii dhaqan xumo ah ee ka soo horjeeda diinta islaamka.

Waxaana halkaas ka hadlay Maamulkaha iskuulka New Gabiley Cabdi Caydiid Kaahin, waxanu sheegay ina Ardaydu u baahan tahay baraarujin diini ah oo bishiiba mar la siiyo “Waxaan u mahad naqaynaa Machadka Faafinta Islaamka ee muxaadiradan diiniga ah u jeedinaya Ardayda, taas oo faa’ido balaadhan u ah Ardayda iyo guud ahaan Iskuulka, waxaanan leeyahay Ardyada waa inaad ku waano qaadataan oo aad diintiina xoogisaan, anaguna sidii aanu diinta ugu dadaali jirnay waanu sii wadaynaa insha ALLAH.” Sidaas waxa yidhi Maamulaha Dugsiga New Gabiley MD Cabdi.

Waxaa kaloo kulan diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Machadka ee Gobolka Gabiley Sheekh Cabdiladiif Sheekh Maxamuud, waxaanu sheegay ina xafiiska Gobolka Gabiley intii uu furnaa ay qabteen kulamo badan oo ay u qabteen qaybaha kala duwan ee bulshada Gabiley “Xafiiskan Machadka waxa laga soo raray wadanka sawd afrika (south Africa), waxanu muslimiyaa Gaalada wadamadaas joogta, sababta halkan loo keenayna waxa weeye inuu dadkeena ka wacyi geliyo falalka xun-xun ee bulshadeena soo dhex gala hadii ay noqon lahayd tabriibka, waalid caasinimada, is-qarxinta iyo wixii diinteenu diiday ee aan banayn.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cabdiladiif.

Sheekh Cumar Jaamac Ducaale oo ah Wakilka Machadka ee Gobolka Hawd oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa carabka ku adkeeyay in dhalinyarada looga baahan yahay fahanka saxda ah ee diinteena suuban, taas oo uu xusay in waalidku caruurtiisa si wanaagsan uga war hayaan “Dhalinyarada waxaan u sheegayaa inay diinta si sax ah u bartaan oo ay ka bartaan macalimiinta wanaagsan waayo Machadkani waxaa uu wadamada kale ee uu ka dhisan yahay wacdiyo diini ah u jeediyaa wadamo 70% gaalo yihiin, taas oo uu in badan ku guulaysto inuu muslimiyo, markaas waxaad eegtaa wadankeena oo 100% muslimka hadana in dad wax khaldayaan oo dhalinyaradii waxaan jirin u sheegaya, waxanan leeyahay iska jira wixii diinteena ku xun ee naftaada oo aad dad aan waxba galabsan ku disho adna, taasina maha mid dhalinyaradiinan idinka suurta gelaysa hadana waa inaad diinteena si sax ah u barataan.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cumar.

Ugu dambayntii waxa halkaas Muxaadiro diini ah ka jeediyay  Isu duwaha Diinta iyo Awqaafta ee Gabiley Sheekh Cabdiraxmaan Xasan Muuse, waxaanu si faahfaan uga waramay baaxada diinta islaamu ay leedahay iyo inaan diintu waxa cidhiidhi ah anay gelin dadka “Machadka Faafinta Islaamka waxaan leeyahay kulamada noocan oo kale ah waa inaad joogtaysaan inkasta oo aan TV-yada bilwalba ka daawado oo aad dadaal fiican wadaan, hadana waxaan leeyahay sii wada.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Diinteenu waa diin balaadhan oo barakaysan si waadixana waxa u kala saaraysa, ilahayna waxa uu inoo sheegay dhamaystirka diinteena, sidoo kale Diinteenu waxa ay inoo kala saartay saxa iyo khaladka markaas waa in Ardaydu xooga saaraan sidii ay u baran lahayeen diinta saxda ah.”

Somalilandpost.net/Hargeysa