Gabiley: Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Gobolka oo ka hadlay maamul xumo baahsan oo ka jirta xafiiska dhulka ee Dawladda Hoose

Gabiley (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi, ayaa golaha deegaanka degmada Gabiley, gaar ahaan xafiiska Maamulka Dhulka ku eedeeyey inay nidaam-darro horseed u noqotay isku dhacyo dhawr ah oo ka dhashay muran dhuleed khalkhal galiyay ammaanka magaalada gabiley.

Gudoomiyaha Kulmiye ee gobolka Gabiley oo war saxaafadeedka uu arrinkan kaga hadlay nuqul ka mid ah  soo gaaadhsiiyay xafiiska Somalilandpost,  ayaa waxuu u dhignaa sidan, “Sida aad la wada socotaan dalku waxuu dhawaan galay doorosho gole deegaan oo tacab iyo tamar badan la gashay waxaana ujeedada laga  lahaa ay ahayd, in degmooyinka dalku helaan gole deegaan oo si hufan ugu adeega bulshada. hasayeeshee nasiibdarada dhacday waxay tahay in durba  golihii deegaanka gabiley  saan saankiisu u muuqdo kuwa lagu hungoobay gaar ahaan gudida dhulka ee golaha deegaanka gabiley. maxaa yeelay waxay sii libin laabeen mushkiladihii dhulka oo ah arin xasaasiya waxaanad moodaa in guddida dhulku tahay xadhig maran aan laba qof kala saarayn mudadaa yar ee ay xilka hayeena golaha deegaanka gabiley waxaa dhacay kiisas badan oo nabad galyada gobolka waxyeelaya oo ah mushkilad ka dhalatay muran dhul waxaanan u aanaynayaa arintaa inay keentay maamulxumada gudida dhulka ee dawlada hoosee gabiley waxaa isagu aan la mid ahayn gudidaa xoghayaha fulinta mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor oo waaajibaadkisa si fiican u guta.

guddoomiyaha kulmiye ee GabileyWaxaan gebogebada  anigoo ah gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka gabiley isla markaana maadaama aan gudoomiye u ahay xibul xaakimkii kulmiye ee talada dalka hayay xil gaar ahi naga saran yahay gobolka waxaan ugu baaqayaa goloha deegaanka iyo wasaarada arimaha gudaha in arintaa mushkilada dhulka ee sii kordhaysa oo ah mid xasaasiya in wax laga qabto oo dib loo eeego maamul-xumada ka taagan xafiiska dhulka ee dawlada hoosee gabiley oo durba ay is dul tuulmeen dacwado dhul wax kala soconayaana aanay jirin hadii wax laga qaban waaayana halkaa waxaa ka imanaysaa xaalad amni xumo maxaa yeelay arimaha dhulku waa xasaasi waxaana loo baahan yahay in loo xilsaaro dad xilkas ah waxaanan soo jeedinayaa in wax laga qabto maamulxumada gudida dhulka iyo dacwadaha is dul tuulmay xafiiska dhulka dawalda hoose ee gabiley.”

Wariye Cabdikariim Muxumed (Qaamuus)

Somalilandpost

Gabiley