Gabiley: Wacdaraha Dhoolatus taageerayasha Kulmiye isugu soo baxeen

Hargeisa-(SomalilandPost)-waxa xarunta gobolka cagaaran ee gabiley (gabiley) lagu qabtay isu soo bax balaadhan oo ay dadweynaha reer gabiley ku muujinayeen taageerada miisanka leh ee ay u hayaan kulmiye iyo murashaxiisa muuse biixi cabdi iyaga oo maanta ku soo bandhigay fagaaraha iyo jidadka waawayn ee gabiley weedho iyo wadar ahaantooda xisbiga kulmiye isla markana muujiyay inay garab iyo gaashaanba u yihiin xisbiga kulmiye dadweynahan oo shucuurtoda gaarka ah ee ay ku taagerayaan kulmiye aad wejiyadooda uga muuqatay ayaa looga tilmaan qadan karaa cudud iyo cod ay siiyaan xisbiga iyo murashaxiisa waxana dadweynahasi ku dhawaaqayeen hadalo iyo weedho dhiiran oo ay ku garab taagana yihiin xisbiga kulmiye isla markana masuulyinta kala qaynta ahayd isu soo baxan ayaa sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi gaamuray oo siyaasada dhaqaalaha .arimaga dibada .waxbarashada iyo arimaha aasa-aasiga ah cilmi iyo aqoon xeeldheer ku haga kuna dhawra qarankan ceeb la.aan sharafta iyo karamka uu ka mudanyahay dhogiisa caalamka halka siyaasiyiinta xisboyada mucaaridku aflagado iyo afxumo kaga dalbaan cod iyaga oo si gaar ah u duray dadqeynaha qiimaha badan ee gabiley kuna tilmaamay waxanay mudnayn isla markana ay bulshada gabiley ku ciil baxaan codkooda oo ay siiyaan xisbiga midnimada iyo horumarka ee kulmiye

si kastaba ha ahaatee waxa gobolada iyo degmooyinka dalka si weyn isugu soo baxay taagerayasha xisbiga kulmiye oo muujinayay doonista iyo dareenka ay ka qabaan siinta cod iyo cudud gaar ahba doonayana inuu kulmkiye mar labaad talada dalka qabto hogaankiisana lagu kalsoonyahay oo codkoda siinayaan kulmiye

waxa maalinba maalinta ka danbaysa isasoo taraya taageerada shacabka guud ahaan ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka

taasina la odhan karo waxay ibo fur y tahay guusha xisbiga kulmiye ka gaadhi karo doorashada aqalka madaxtooyada ee kaabiga inagu soo haysa