Gabiley Ceelbaa U Maaxdee, Midigtaadu Yay Gudhin – W/Q: Sacad M Gadhle

Sacad Qodaal-Joog
  • Sacad Qodaal-Joog

    Qodaal joog iyo qurba joogu

  • Laba weeyi qiraala
  • Inay qayb ka yihiin
  • Qarankan maanta aan joogno
  • Qormo ay ku kulmeena
  • Salaan qiima lahoo
  • Qalbi saafi ahi dhiibay
  • Qaxwihiina la raacshay
  • Waxay soo qadimeen
  • Kaftan qaaya laho
  • Taladii qarankeeniyo
  • Quruskooda ku saabsan

Qurba joog: golihii mudo dhaafay midnimaan ku maqlaaye indhaheena macaan maxaa maanta u muuqda wanaag may arkayaan ?

Qodaal joog : indhahayga macaan kooxo iigu midoobiyo musuq bay arkayaan

Qurba joog : runta ii sheeg qodaaloow maad aragtay aan kula arkee ii tilmaan

  • Maamulkaa ku xumaadee
  • Meeluhuu ku nagaadee
  • Marfashka uu ka samaystay
  • Ma dhaal iigu tilmaan ?

Qodaal joog : mudadan xukuumada madaxwayne siilaanyo jirtay waxaa musuq_maasuqii ugu balaadhnaa lagu eedeeyay amaba loo loo xidh_xidhay masuu liyiin dawlada hoose ka hawl gasha waa marag buuxa oo sida dayaxa u muuqda waana halka aan ku soo arkay .

  • Musuqaan ciriqiisiyo
  • Moosaskiisa arkoo
  • Golahaa mudo dhaafiyo
  • Maayaruu la shiraayay
  • Martina wuu u yahoo
  • Maalintii laba jeerbuu
  • Shir muhiima la yeeshaa

Qurba joog : allaylehe waxbaad aragtay shirka ma maalintiibay galaan mise habeenkii mise qayilaada ayaa lagu soo gorfeeyaa ayaankeenu xumaa calaa_cal baa iisoo baxay .

  • Bahalkaa musuq_maasuq
  • Dawladuu dhex mushaaxoo
  • Maamulkaa ka xumaadoo
  • Mas’uulkii ku shaqeeya
  • Umaduu matalaayo
  • Madaxdooda ahaaday
  • Mooraalkuu ka dilaayoo
  • Ma yaqaano ixsaanka
  • Manaxaanka la sheegiyo
  • Macangag buu ka noqdaa
  • Ma kasna wuu ka dhigaa

Qodaal joog : mas’uulkii ku shaqeeya amaba caadaysta wuxuu leeyayhay calaamado lagu garto ayuu leeyahay sida tixdani tilmaamayso.

  • Bahalkaaa musuq maasuq
  • Maamulkii ku shaqeeya
  • Maraan aan la fahmayniyo
  • Maqaar saarka la sheegiyo
  • Madluum buu ka dhigaayoo
  • Hadalkiisa mugiisu
  • Macno buuran ma yeesho

Qurba joog : ana waxaan arkay mas’uulada cadaysta habka uu u shaqeeyo iyo mashaariicda uu fulinayo halka ay ku danbeeyaan sida ay tixdani tilmaamayso

  • Bahalkaa musuq maaasuq
  • maamulkii ku shaqeeya
  • magaan buu ku noqdaayoo
  • mashruucuu fulinaayo
  • madhalaysbuu ka dhigaayoo
  • horu markiisu ma muuqdo

Qodaal joog : wasiirkii hore ee maaliyada ayaa in badan ku celceliyay in mas’uuliyiinta hantida dadka cuna maalin uun maxkamad la horgayn doono aniguna fikirkaas waan la qabaa sida ay tixdani tilmaamayso.

  • Bahalkaa musuq maasuq
  • Dadbaa maali yaqaanoo
  • Muftaaxiisa heloo
  • Majo jiifta noqdoo
  • Malahoogu lu gooyoo
  • Mahdigii isku qaatoo
  • Mustawihii noloshoodo
  • Miisaankii ka dhaqaaqoo
  • Maalqabeenka dalkeeniyo
  • Taajiriinta is moodoo
  • Mulmulaaqa ku naaaxoo
  • Maalinbaa iman doonta
  • Xisaab miiska u saaro
  • Margashaa xigi doonta
  • Muska ooda ka boodo
  • Madashii gurigiisiyo
  • Marwadiisa ka boodo
  • Cabsi uuku maqnaado
  • Ku noolaado mashquuloo
  • Moodhadhakuu ku taxaashiyo
  • Maguurtadiisa xaraasho
  • Xabsina uu ku mutaysto
  • Maxbuusna uu noqon doono

Qurba joog : waar goorma ayaad u malaynaysaa marka ay dhici donto masuul hanti qaran cunay ay maxkamadi ciqaab ay ku abaal marini doonto hantidiisana la xaraashi doono .

Qodaal joog : waxaa la gaadhay wakhtigii golaha deegaankee mudo dhaafay la kala diri lahaa waxaa la gaadhay wakhtigii la soo bandhigi lahaa waxyeeladooda wacaa la gaadhay wakhtigii laga raysan lahaa madmadawga waqtigii laga raysan lahaa mad madawga iyo maamul xumada ay aabaha u noqdeen .

Qurba joog : ma maqashay in golaha deegaankee gabiley awoodi waayay samaynta miisaniyadii 2012 mise dad waynahaa laga qariyay .

Qodaal joog : war la’aani ku qaaday way samaysan tahay miisaaniyadii dawlada hoose gabiley khubaro xisaabyahano ah ayaa soo sameeyay mudanayaasha golaha deegaankana  waxaa lagaga soo sexeexay dibada misaaniyaduna waa 9000’000’000 oo halka miisaaniyadii kal hore 5’333’000’000 .

Qurba joog : ii xaqiiji wax badan ayaad u war haysee qurbaha ayaan shabakadaha kala soconay ee sideed ku heshay miisaaniyadaa 2011 waxay soo kordhisay wadooyinka iyo waxqabadkaase .

Qodaal joog : waxaa nuquladaa miisaaniyada ii sawiray xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka gabiley oo xaq u dirir ahaa waxaay ahayd miisaaniyada kharash iyo dakhli isu sar go’an ah .

Qurba joog : sharcigu sida uu dhigayo xeer no (23) kaasoo ah saldhiga xeerka golayaasha deegaanku miisaaniyadu marka hore iskama unkayee dadwaynaha talayku leeyihiin waxa la qariyana qudhunbaa ku jira sida ka muuqata tixdan .

  • Bahalkaa musuqmaasuq
  • Garsoorkuu murgiyaa
  • Xaqa wuu malmalaayoo
  • Umaduu ku milmaa
  • Midnimay ka tagtaa
  • Midawgaa firdhadoo
  • Milgihiii sharaftooda
  • Maqluubkuu u rogayoo
  • Markiaasuu madaxooga
  • Ka yeelaa mijahooda
  • Mid mid buu u helaayoo
  • Mudacbuu u afaystoo
  • Dadka wuu ku mudaa

Qodaal joog :. ugu dambayn waxaan kula dardaarmayaa xukuumada madaxwayne siilaanyo ee dakhligii u toban laabtay dawladaha  hoose

qodaal joog.,ana waxaan kula dar daarmayaa xukuumada madaxwayne siiraanyo in ay ka dhabayso balan qaadkeedii ahaa in ay la dagaalanto musuq maasuqa oo ay u badheedho dagaalkiisa halka ugu saraysa ilaa halka ugu hoosaysa iyadoo aan ku soo gunaanadayo tixdan

  • Bahalkaa musuqmaasuq
  • Maamulkii u nuglaada
  • Dagaalkiisa ka maaga
  • Mididiisu dhex qaado
  • Madfac aan la arkayniyo
  • Miino weeyi qarsoonoo
  • Mar uunbay qaraxdaa

 

Qalinkii abwaan Sacad Maxamuud Gadhle

Gabiley, Somaliland