Gabilay -Masuuliyiin Dhawr ah Oo Xabsiga Ladhigay

Taliye ku-xigeenkii Qaybta Bilayska Gobolka Gabiley, Askar dableyaaal iyo Masuuliyiin kale oo xadhig ku mutaystay Saraakiil Itoobiyaan ah oo ay dhawaan ku soo qabteen Kantaroolka Kala-baydh, iyagoo hubaysan..!

astaanta gabilay

YbaGabiley(SLPOST)-Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta xabsiga ku gurtay Saraakiil laamaha dawladda ka tirsan iyo Askar ka qayb qaadatay hawl gal dhawaan Kaantaroolka Magaalada Kala-baydh ee Gabiley ku qabtay Saraakiil Itoobiyaan ah oo Hub iyo Gaadiid laga shakiyay somaliland kala soo galay dhinaca Garoowe ee Puntland.

Saraakiishan Itoobiyaanka ah oo markii la qabtay xaga Hargeysa loo soo dhaadhiciyay, dabadeed markii la baadhay la sii daayay, ayaa dareen wayni ka dhashay sababta loogu qaban waayay deegaamada kale ee ay soo mareen ee gudaha dalka ah, waxaanay markii la ogaaday waxa ay yihiin laamaha amniga Somaliland sheegeen inay si qaab daran u socdeen oo gadaal laga shakiyay.

Arrintan oo dhacday muddo haatan laba todobaad laga joogo, ayaa sababtay sida ay saraakiisha Gobolku u xaqiijiyeen Gobanimonews, inay Xukuumaddu xidh-xidho saraakiil tiro badan oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii qaybta Bilayska ee heer Gobol.

Dadka la xidh-xidhay ayaa kala ah: Dirwalkii maayerka Bashiir quule yuusuf, Askariga ilaaliya maayerka Iid Maxamed Cumar, isuduwaha wasaarada beeraha c/risaaq muxumed Gaboobe(c/risaaq shine), isuduwihii wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare ee gobolka gabiley cali Aadan Bayle, xoghayntii qaybta booliska gabiley khaddar Aareeye iyo Taliye ku-xigeenkii qaybta boolisak Baashe c/laahi cismaan.

Badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi oo la sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhay saraakiishan ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta ka dambeysa, sheegayna in Kiiskani baadhis ku jiro.

Itoobiyaankii la xidhay oo dacwooday.

Dublamaasiyiinta Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay inay ku doodeen in si xun loola dhaqmay, halka Booliiska iyo Maamulka Gobolka Gabilay ay ku adkeysteen in ay sifo sharci daro ah Dalka ku dhex marayeen, sababta keentay in la qabtaana ay ka dhalatay Hub sharci daro ah oo ay ku siteen baabuurta.

Booliiska Gabilay ayaa lagu amray in ay Dublamaasiyiintan isku soo dhaafiyaan dhinaca Hargeysa, taasoo keentay in isla markii Hargeysa la keenayba Xorriyadooda loo celiyo.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka amniga ayaa sheegay inay ka yimaadeen Nimankaasi dhanka Koonfurta Soomaaliya.

Xigasho-Gobanimonews