GABAY: Gaashaantuu la doodaa ninkii Guurti loo diraye – W/T: Axmed Fartaaq

Tixahan waxa tiriyey  Abwaanka Da’da yar ee Axmed C/laahi Maxamud Axmed Fartaag. Waa Gabay ka hadlaya Dacwadda ka dhaxaysa Wasiir Xirsi iyo gabadha u xidhan ee Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysan inay Farriin Aflagaaddo ah ku dirtay Telefonka Wasiirka.

Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-Fartaag

Gabadh baabu xidha’yuu geeyay jeelkiiye
Noo goleeya buu yidhi yartani way gafaysaaye
Dumarkiina loo gudub markay taladu guuraysay
Gaashaantuu la doodaa ninkii guurti loo diraye
Gar habeenkii loo dhiganayay galabta joogtaaye
Gadhka kii lahaa iyo hadmaa dumar gudboonaaday?

Garaadkiyo dulqaadkii ayay gabi ka tuureene
Dhaqankii gobta ahaa waa la gees maraye
Golihii wasiirada maxaa dumarka gaadhsiiyay?

Guyaal iyo guyaal hablii geela badan joogay
Gaari baa la siistaa waxaad guunyo haysaaye
Guhaad looma quudhoo habluu waa gayaankiiye
Gurdoobkiyo caruurtay korshaan geesiyaal badane
Guriga iyo Hooyadu waa geedkii laga beermay

Dacwadaadu garanwaa ayay tahay gadiisiiye
Garyigeenu muu arag Wasiir xaafadaa galaye
Gaanibaa waxaa lagu eryee guriga haw leexan
Gaabane hablaa daa niyaw gocasho waa ceebe
Messegeyadaa ganan iyo yay ku gubin eedu
Xilka guudka kuu saaran iyo garo waxaad hayso