Gabay Cusub (18 May)- Abwaan Koos Jaamac

Gabaygan oo ka hadlaaya 18-MAY waxa Curisay Abwaan Koos Jaamac Dhunkaal oo inta badan Bulshada u soo bandhigta  ama dareensiisa waxa jira ee wakhti xaadarkaa Umadu tebayso ee ay u dhegtaagayaan, maantana waxay Bulsho weynta Reer Somaliland Gudo iyo Debedba u soo bandhigaysaa Gabay la Magac baxay Magow oo ay ugu talo gashay Xuska Sannad guurada 21-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay Jamhuuriyadii la isku odhan jiray Somali-weyn waana sidan Midhaha Gabaygu.

Miinlayda Gabay waanigii Maaxin jiraye

Waa taan sidii mayeyga roob maayada ahaaye

Maantana masaladaan rabaan idin magowsiine

Dadow maqal Murtidu waa qalbiga muhashadiisiiye

18-May Waa Dharaar noo markhaatiyehe

Waa maalintaan goosaniyo Madashii weynaydee

Calankeenan Midabada leh iyo Magaca Tawxiidka

Waa maalintay Uumiyuhu meel fog ka arkeene

Mudane iyo Marwaba waa dharaar maalka loo huraye

Munaasibadan qaaliga ah ee magaca weyn reebtay

Maamuuska ay leedahay ayuu shacabku muujinayaaye

Madaxweyne-yaal Deris ah iyo Mudane Saaxiib ah

Waa yoom Murtida inagu dhaw lagu macsuumaaye

Waa yoom Midnimadeena iyo Cudud la muujaaye

Waa yoom makhluuq inna necbaa mooral kii jabaye

Maamuus dalkeenaa leh iyo madaxda loo doortay

Muslin iyo maseexiba Halqigu wayna mahadsheene

Musuq-maasaq meel aan lahayn maalna lagu booobin

Oon maganta  joogtaa ka bixin muruq in loo sheegto

Somaliland baa u mudan uguna muuqdheere

Malkada aynu nooliyo Dawladaha inagu soo meersan

Masalooyin fiican baynu u nahay iyo midaad ku dayataane

Madax-doorashada laga heloo muran la’aan Dhiibtay

Masuulkii la doortiyo Bulshada Marinka qaadsiiyey

Midigtaan is wada haysanaa Mahad illaahaye

Mansha allaa Qarankaygii Maabkii (MAP) ku hagaagye

 

ABWAAN KOOS JAAMAC DHUNKAAL