Gabadh Dhalinyaro ah oo Nolosha isku gubtay kadib markii ay ka cadhootay Ragg Hore Ukufsadday Oo Xabsiga Laga Siidaayay

Pakistaan(SLPOST)Gabadh 18- jir ah u dhalatay Dalka Pakistan ayaa isku gubtay Afaafka Hore Saldhig Booliis oo kuyaala Degmada Muzaffargarh ee Gobolka Punjab ,kadib markii Xabsiga laga sii daayay afar nin oo gabadhaasi kufsi kula dhaqaaqay.

amanadda

Gabadhan ayaa u geeriyootay Dhaawac halis ah oo kasoo gaadhay Dab ay is qabadsiisay maalintii Khamiista aheed iyadoona u geeriyootay Dhaawacaasi jimcihii shalay , waxaana la tilmaamay in gabadhan oo lagu Magacaabo Aamna Bibi ay ka cadhootay Kooxo burcad ah oo kufsi u geestay oo laga sii daayay Xabsi ay ku xidhnaayeen.

Kooxaha Burcada ah ee kufsiga u geestay gabadha is dishay ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii ay bixiyeen lacago laaluush oo gaadhaysa 70,000 rupees oo u dhiganta £690 Bond , sida ay ku warameen ehelada gabadha is dishay.

 

bibi

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay ka hor istaageen Aamna Bibi banaanbax cabasho ah ay sameen laheed , waxa ayna xiligaa kadib gabadhan dhalinyarada ah go’aansatay in nolosheeda soo afjarto ayna is gubto.

Goob joogayaal ayaa kuwaramay in Ciidamadii Booliiska ee kusugnaa Saldhiga ay gabadhan isku hor gubtay in aaney sameyn wax caawinaad ah ama in ay ka hor tagaan in gabdhan ee nolosheeda is dhaafiso.

Ciidamada Booliiska Dalka Pakistaan ayaa inta badan lagu eedeeyaa in aaney wax weyn kasoo qaadin kufsiga Haweenka u dhashay Dalkaasi loo geesto , waxa ayna inta badan beeniyaan in ay dhacaan Falal kufsi ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland