GAASHAAMO: Ciidammada Itoobiya oo Xasuuq u geystay Dad Shacab iyo Tirada Dhimashada oo 40 kor u dhaaftay

Hargeysa (SLpost)- Ilaa Inta ogyahay tiro kor u dhaafaysa 40 Qof oo Shacab ah, ayaa dhintay tiro kalena way dhaawacantay, ka dib markii ay Ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo kaashanaya Ciidammado ka tirsan dowladda Federaalka Ethiopia ay rasaas ku fureen Dad Shacab ah.

Falka lagu xasuuqay dadka Shacabka ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee Ismaamulka Soomaalida.

liyuu policeSida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Gaashaammo, ka hor intii aanay Rasaasta ku furin Ciidammada Itoobiya Maalinnimadii Axadda ee shalay, ayey isku dhaceen laba Gaadhi oo mid ka mid ah ay wateen Ciidammadu. Dabadeedna ay Jiiteen Gaadhigii ay Duqeeyeen, ka dibna waxa Ninkii Gaadhiga laga jiidhay ee laga jiitay iyo dhawr Nin oo kale isku-dayeen inay Gaadhiga Burburka ah ee ay Ciidanku jiiteen kala hadhaan, markaa way rasaaseeyeen markay marayaan meel u dhaw Tuulada Jaamac-Dubbad oo Shilku dibeddeeda ka dhacay, markaasoo ay iyaguna dhawr iyo toban qof oo Shacab ah ku laayeen Tuulada Jaamac-Dubbad.

Warku waxa uu intaas ku daray in markaa ka dib ay Ciidammada Itoobiya dalbadeen ama u yeedheen Ciidan kale oo dheeraad ah, kuwaasoo la sheegay inay gelinkii hore ee Isniinta Maanta soo weerareen Tuuladaas, ka dibna ay Rasaas ku bilaabeen dadkii Tuulada ku sugnaa, isla markaana Dadku ay kaga yaaceen Masaajid Tuulada ku yaal oo ay ka galeen Rasaasta, balse aanay kaga hadhin ee ay gudaha Masaajidkaas ku laayeen inta badan dadka dhintay.

Maamulka Gaashaammo oo laga Xukumo gobolka Jarar oo Caasimaddiisu tahay magaalada Dhagax-buur ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, dowladda Federaalka Ethiopia iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya midkoodna wax war ah kama soo saarin dhimashada iyo dhaawacaas ka dhacay deegaanka Jaamac-Dubbad ee degmada Gaashaammo.

Haseyeeshee, Wararkan oo aanu ka soo xigannay shabakadda Aftahannews waxa lagu sheegay in Gelinkii dambe ayay dad Shacabka deegaanka ka tirsan oo is-urursaday la sheegay inay Jid-gooyo u galeen Kolanyo Gaadiidka Ciidammada ah oo ay wateen Ciidanka Itoobiya ee deegaankaas dadka ku laayey, iyagoo Kolonyadaas Rasaas ku furay, isla markaana halkaas kaga dilay Ciidanka Itoobiya illaa dhawr iyo toban Askari oo Baabuurta saarnaa.

Tirada Dadka Shacabka ah ee ku dhaawacmay isku-dhacyadaas, ayaan wali la xaqiijin in kasta oo tiradu badan tahay, balse tirada guud ee dadka ku dhintay ayaa la xaqiijiyey inay gaadhayso 43 qof oo shacab ah.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Ciidammo dowladda Itoobiya ka tirsan ama kuwa Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Shacab Xoolo-dhaqato ah uu Deegaannada Beriga Killalka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dagaal dhex-maro, waxaana hore u jiray dagaallo dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyey sida kan oo kale.

XIGASHO: Aftahannews