Gaarriye Marathon: Orod loogu magac daray ALLA ha u naxariistee Abwaan Gaarriye oo caawa lagaga dhawaaqay Hargeysa

Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Sida la wada ogyahay  Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, Gaariiye wuxu ahaa halyay qaali ku ahaa dalka Somaliland iyo gayiga soomaaliyeedba guud ahaan oo dhaxal aan la soo koobi karin uga tagay qarniyo badan oo mustaqbalka ah dalkiisa iyo dadka Af-soomaaliga ku hadla.

Aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardaydii  Gaarriye ee jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa xalay kulan ay ku qabteen xaafadda Idaacadda ee Hargeysa  ku aas’aasay munaasibad Orodka Marathon-ka loo yaqaanno ah oo loogu magic daray  Alla u haxariistee Abwaan Gaarriiye.

Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Orodkan ayaannu ugu talo gallay inuu noqdo mid sannad walba dalka laga qabto oo qayb weyn ka noqda xuska sannadguura kasta oo shacbiga Somaliland xusayaan Abwaan Gaarriiye marka ay taariikhdu ku beegantahay geeridiisii 1ka October  Alla u naxariistee Abwaankeennii dadka iyo dalkiisa jeclaa ee talada iyo toosinta badnaa Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriiye.

Waxannu  qabaan doonnaa Hargeysa haddii Alle idmo sannadka gudihiisa munaasibad ballaadhan oo lagu sii qorsheeyo sida sannadkasta looga qabaan doono dalka  Gaarriye Marathon.

Waxannu ka  codsanaynaa bahda ciyaaraha, dhaqanka, dhalinyarada iyo waxbarashadaba inay ka soo qaybgalaan aas’aaska Marathonka Gaarriye  la bilaabay Insha Allah.

Maxamed Faarax Yuusuf

Maxamed Cabdi Xirsi

Afhayeenka Gudida Marathonka Gaarriye

Email: maantahar@hotmail.com

Tel: 4819666, Hargeisa, Somaliland.