GAALKACAYO: Ugu Yaraan 4 Qof oo Ku Dhintay Gaadhi  Ciidamada Maamulku Rasaaseeyeen

 

Galkacayo(SLpost)- Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay 5 kalena way dhaawacmeen kadib markii boolisku rasaas ku furay dad cisbitaalka Galkacayo ku sii siday qof xanuunsanaya. Askarta rasaasta furay waxay gaadh ka hayeen Askar dhaawac ahayd oo ku jiray cisbitaalka.

 

Dadka gaadhiga dhaawaca ah la socday ayaa la sheegay inay samaynayeen qaylo iyo sawaxan cabsi galiyay ciidamada, kadibna iyagoon hubsan ay rasaas ooda kaga qaadeen, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare nafeed iyo dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Ciidamada ayaa qabay cabsi, kadib markii maalinnimadii maleeshiyo hubeysan ay weerar ku qaaday xero ay ku suganyihiin ciidanka maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, taasi oo keentay inay habeenimada cabsi darteed shacabka rasaas ku furaan.

 

Weerarka lagu qaaday ciidamada waxaa ku dhintay ilaa 3 qof oo Arday goobta marayay ku jiro, waxaana ku dhaawacmay ilaa 10 qof oo Askarta maamulka Puntland ah.