Gaadiidleyda oo Farta ku fiiqay Shirkadda Keentay Shidaalka Wasakheysan, Maamulka Haamaha oo Xaqiijiyey iyo Doodda Shirkado ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Gaadiidleyda kala duwan ee dalka ayaa cabasho xooggan ka muujiyey Shidaal wasakhaysan oo dalka soo galay, kaasi oo wax yeello kasoo gaadhay gaadiidka qaarkood oo cillado ku yimaadden, waxaana la sheegay in shidaalkaas ay dalka soo galisay Shirkadda HASS PERTROLEUM oo kamid ah shirkadaha waaweyn ee soo dejiya Shidaalka.

Gaadiidleyda adeegga dadweynaha ka dhex fuliya caasimadda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba oo saxaafadda qaarkeed la hadlay, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay shirkaddan isla markaana ay shidaalka kaga shubteen kaalmo ay shirkaddu iska leedahay ama ay xidhiidhka leeyihiin, kuwaas oo dhammaantood ay ku taalo Astaanka Shirkadda HASS PETROLEUM.

shidaal wasakheysan“Gaadhigayga waxaan ku arkay cillad aanan hore ugu arag. Waxa uu noqonayaa sidii oo uu bilaa shidaal yahay gaadhigu. Anigoo immika kaga soo shubtay kaalinta ayuu haddana iska bakhtiyeyaa. Markii hore waan yaabbana, ta isoo baxday waxay noqotay markii aan eegay inay mar kastoon shidaalka kaga shubto kaalmaha ay ku xardhan tahay HASS waan dareemayaa cilladaas,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah gaadiidleyda caasimadda kaga shaqaysata baabuurta yaryar ee Fitis-ka loo yaqaano.

Gaadiid tiro badan oo dhibaato ka soo gaadhay shidaalka wasakheysan ee dalka la keenay, ayaa buux-dhaafiyey geerashyada lagu farsameeyo gaadiidka ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Mid ka mid ah mulkiilayaasha geerashyada magaalada Hargeysa oo saxaafaddu wax ka weydiisay, ayaa arrintan qiray isagoo sheegay in gaadiid tiro badan oo shidaalka wasakheysan ku cilladoobay ay maalin kasta soo gaadhaan meheradiisa.

“Annaga suuq baabay noo noqotayoo, maalin kasta waxa laguu keenayaa gaadhi cilladiisu aanay ka fogeyn Bamka shidaalka iyo wasakh makiinadda dhex gashay, waxaana ugu wacan shidaal xun oo dalka la keenay,” Sidaa waxa yidhi Guled Jaamac oo ka mid ah farsamo-yaqaannada geerashyada Caasimadda, waxaanu intaas ku daray in shidaalkaas uu gaar u yahay Kaalmaha ay gacanta ku hayso ama xidhiidhka la leh shirkadda HASS. Waxa uu farsamo-yaqaankani uga digay gaadiid layda inay ku shubaan baabuurtooda shidaalkaa wasakhaysan oo uu sheegay inuu waxyeelo aan xalkeeda la maareyn Karin u geysanayo makiinadaha gaadiidka.

Dhinaca kale, jiritaanka shidaalka wasakheysan ee dalka soo galay waxa warbaahinta xaqiijiyey saraakiisha sare-sare ee shirkadda Berbera Oil Group oo gacanta ku haya maamulka Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo laba sanno ka hor laga hirgeliyey Sheybaadh lagu hubinayo tayada shidaalka ay dalka keenaan Shikadaha waddaniga ahi.

Guddoomiyaha Shirkadaha Haamaha Berbera Oil Group Eng Cali Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijiyey jiritaanka shidaalka wasakheyrsan ee dalka soo galay, isagoo taas ku sababo qaladaad farsamo oo ka jira adeegyada farsamo ee heerka hubinta tayada shidaalka Haamaha Keydka ee magaalada Berbera.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA MASUULKA

https://www.youtube.com/watch?v=IxK2wcPYIEY

Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan shirkadda HASS PETROLEUM oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo jeediyey in baadhitaan lagu sameeyo halka uu dalka ka soo galay iyo cidda keentay shidaalka wasakheysan.

In kasta oo ay jiraan shirkado kale oo dalka keena shidaalka, haddana waxa ay gaadiidleyda si gaar ah farta u fiiqeen shirkadda HASS oo gacanta ku haysa inta badan kaalmaha shidaalka ee ugu waaweyn, gaar ahaan caasimadda, waxaanay arrintani fadeexad Maamulka haamaha Keydka Shidaalka oo ku qalabaysan sheybaadh casri ah oo ay ku baxday malaayiin Dollar, taas oo ay hirgelisay xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland