Gaadiidleyda Ciidda ka gura Dooxa Hargeysa oo Digniin loo jeediyey iyo Xaddiga Ganaac lacageed iyo Xabsi lagu ciqaabayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa digniin u jeediyey gaadiidleyda xamuulka ah ee Ciidda ka gura dooxa magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in ciddii lagu qabto laysugu dari doono Xadhig iyo ganaax lacageed.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo ay weheliyaan Taliyeyaasha Booliska ee Qaybaha Galbeedka iyo Bariga Hargeysa, ayaa arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa, waxaanu sheegay in gaadiidleyda Iskaa-rogooyinka Ciidda lagu guro ay dhibaato ku hayaan Dooxa Caasimadda, taas oo uu sheegay inay nabaad-guur ku keenayso deegaanka.

HALKAN KA DAAWO