Gaadhi Xamuul Ah Oo Siday Tahriibayaal Oromo ah Oo Shil Ku Galay Duleedka Dacarbudhuq

 

Hargeysa(SLpost)-Tahriibayaal tiradooda lagu sheegay ku dhawaad sodan ayuu gaadhi xamuul oo ay ku tahriibayeen uu kula dhacay duleedka magaaladda Dacarbudhuq.

Shilka gaadhigan ayaa sababay dhimashada darawalkii gaadhigaas ku tahriibinaayay tahriibayaasha Oromo u badan, waxaana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaadheen tahriibayaashan tirada badan. cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa la soo gaadhsiiyay dhaawacyada tahriibayaashaas oo laga soo daabulay Dacarbudhuq sida oo kale waxa cisbitaalka soo gaadhay maydka ninka darawalka ah.

Shil baabuur

Tahriibayaasha oromada Itoobiya u dhashay ayaa si dhuumalaysi ah ku mara gudaha Somaliland si ay ugu sii gudbaan Boosaaso ay kaga sii tahriibaan doonyo u jeeda dalka Yaman, shilkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee noocisa ah ee gaadhi xamuul ah oo tahriibayaal lagu qarinaayay uu galo.