Gaadhi La Qalibmay Dad La Mustaafirinayay Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Aad Ubadan

Hargyesa(SLpost)-Gaadiid kuwa ciidanka ah oo siday dad Itoobiyaan ah gaar ahaan qoomiyada Oramada ayaa gaadhi kula dhacay buurta Sheekh, waxa shilkaas ku dhintay shan ruux oo laba ay askar yihiin sadexda kalena dadka la tarxiilayay.

Sida oo kale waxa shilkaas ku dhaawacmay dad tiro badan oo kale, waxaana dhamaan maydadka iyo dhaawacaba la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Dadkan dhaawaca ah ayaa lagu soo warmayaa inay qaarkood ku jiraan xaalad culus.

Maaha markii ugu horaysay ee dad laga mistaafirinaayo Somaliland uu gaadiid la gudoomo, waxa hore gaadhi ula gudoomay dad loo tarxiilayay dalka Somaliya wakhtigaas oo uu dalka madaxweyene ka ahaa madaxweyne Daaahir Rayaale.