Gaadhi Iyo Shaqaale Ka Tirsan Wasaarada Qorshaynta Oo Anbad Ku Galay Itoobiya

Boorama(SLpost)-Gaadhi iyo sadex shaqaale ah oo ka tirsan wasaarada qorshaynta ayaa lagu soo warmayaa inay ku lumeen dhanka xadka Itoobiya magaaladda Awbare.

wararka kale ayaa sheegayay in kooxda Suldaan Wabar ay qabsatay gaadhiga iyo sadexda shaqaalaha ah ee lumay, waxase wararkaas beeniyay badhsaabka gobalka Awdal Ramaax oo sheegay inay ka wada hadleen maamulka jigjiga soo wareejinta gaadhi iyo shaqaalaha oo ay Itoobiyaa gacanta ku hayso.

ugu danbayntii waxa uu badhsaabku sheegay in saacadaha soo socda dhanka Soomaaliland loo soo talaabin doono gaadhiga iyo sadexa shaqaalaha ah ee u talaabay dhanka Itoobiya.

 

Somalilandpost

Boorama Somaliland