Fursadaha Nabadda Iyo Caqabadaha Adkaysiga u baahan! – Faallo Cumar M. Faarax

 Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen Wasiirka wasaarada Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Axaddii sabtidii todobaadkan Huteelka weftiga madaxweynuhu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL magaaladda Dubai kula kulmay Guddoomiyaha ururkii Somaliland diidka ahaa ee SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye). Kulankaas oo ay ku faaqideen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen nabad-gelyada iyo xasilinta gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Kulankan waxa uu ahaa mid qorshaysnaa oo muddaba laga shaqaynayay  oo qeyb ka ah in dedaaladda xukuumadda Somaliland ay ku  doonayso inay nabad gelyo ku kasbato ashkhaasta iyo kooxaha nabad diidka ah ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Qasdiga xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay ka leedahay nabadeynta iyo gogoshada nabadda ee uu iclaamiyay bilowgii bishii August 2010, dhawr maalmood ka dib markii uu la wareegay xilka madaxtinimaddu waxa uu daaran yahay sidii deegaamadaasi oo xaga horumarka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ka hooseeya gobolada kale ee dalka looga fulin ahaa mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo adeegyada ijtimaaciga ah ee bulshadda daruuriga  u ah.

Waxa xukuumadda Somaliland-na la gudboon inay taageero dhinac walba leh la garab istaagto siyaasigan si ay uga saacido inuu ummaddiisa u soo jiido .

 Ahmiyadda Kulankan

Kulankan madaxweynaha Somaliland la yeeshay Guddoomiyaha Ururka SSC Saleebaan Xaglo-toosiye, waxa uu furre u noqon karaa jidka loo marayo in wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka beelaha Sool iyo Buuhoodle. Waxaana haddii uu si ficil ah u dhaqan geliyo Hoggaamiyaha SSC  qodobadii ay ka wada hadleen Hoggaamiyaha dalka ay suurto-gal ka dhigaysaa in Somaliland ay  wax ka bedesho jawigii hore oo ay galaan gal u yeelato in xubno kale oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ahi ay ku soo hirtaan inay qoriga dhigaan oo ay ka qeyb galaan dedaalada nabadda.

Sidoo kale, waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye oo ah siyaasi qurbo joog ah, waxa   uu nabadda ku qancin karaa qeybo badan oo ka  mid ah qurbo-jooga colaada iyo dagaaladda ku bixiya dhaqaalaha adag ee lagu mustaqbal tirayo dhalinyaradda iyo ubaxa gobolada ay ka soo jeedaan. Kuwaasi oo ah dadka tacab khasaarka u weyni ku dhacay.

Caqabadaha ka hor iman kara iyo Fursadaha uu haysto Saleebaan Xaglo-toosiye

Hoggaamiyaha SSC oo ah nin dhalinyaro ah  waxa la gudboon inuu u babac-dhigo, adkaysina u yeesho  caaridad xoog leh iyo mixnad aan yarayn oo ay dedaaladiisa nabadda iyo aragtidiisa togan  ay kala hor iman karaan kooxda khaatumo seeg  ee Cali Khaliif Galaydh uu samaystay  iyo makasta la hubeeyay ee saarka qabyaaladda looga faa’iidaysanayo xoogooda dabka lagu gurayo.

Waxa uu u baahan yahay inuu juhdi badan  geliyo oo uu la yimaado istaatajiyad uu ku qancin karo maxasta iyo dhengagaalaha. Waa inuu kaashadaa  aqoon-yahanadda nabadda u bohol yoobay iyo waxgaradka deegaamadiisa uu door bidayo inay kaalin ka qaadan karaan tubta nabadda.

Haddii uu ka jibo keeno 50% inuu hanto bulshada deegaankaasi waxa uu noqon doonaa xidig weyn oo lagu talo taashka nabadda. Waxaanu noqon doonaa siyaasi meeqaam sare ku yeesha siyaasadda Somaliland.

24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxa kooxaha durbaanka colaada u googa’ay ay mareegaha kooxda Khaatumo ay Saleebaan Xaglo-toosiye ka qorayeen maqaallo aflagaado  ah oo ay ku naqdiyayeen kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaan Hoggaamiyaha SSC horyaala inuu ku adkaysto dariiqa nabadda oo uu ahmiyad weyn siiyo sidii bulshadiisa uu u halgamayay isagoo nolol wanaagsan ku haystay dalka Maraykanka uu gaadhsiiyo himilooyinka nabadda.

Waxaanan qormaddan ku soo khatimayaa maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda “RAGANIMADDU WAXAY KU JIRTAA MEEL CIDHIIDHYOON.”

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com