Foolxumadda iyo Munaafaqadda Aasaskeena

Askii Faysal Cumar Mushteeg waxuu i  xasuusiyey aasas badan oo laysugu  wada yimaado oo ka dhaca magaalo maddaxda Hargeysa. Dad badan oo wadanka  caan ka ahaa una soo shaqeeyey ayaa intaas dhinta. Dadkaasi khaasatan fanaaniinta inta aanay dhiman waxay ku noolaayeen duruufo nololeed oo kala duwan. Inta badan  dadkaasi dayac fara badan ayey soo mareen intii dawladii dhexe ee Soomaaliya burburtay. Inta yar ee aan xasuustaa, waxaa ka mid ahaa Fanaankii Ismaaciil Yare, Ina Nuur Greeg, Maxamed Yuusuf.

Fanaaniinta waxaa dhaawac ka soo gaadhay noloshooda iyaga oo aan lahayn meel ay ku soo bandhigaan mihnadooda, iyadoo golahii Murtidda iyo Madadaalada ee ay lahaayeen burbursanaa muddo imika ka badan labaatan sanadood. Inakuna kari waynay inaynu midkale dhisanno ilaa wakhtigaa, kahor intaan hadda la siin nin ganacsade ah.

Dadku waa qaali, waxaanay ku wanaagsanyahiin in intay noolyahiin la daryeelo inta maalintay dhintaan amaan laysla dultaagayo xabaashooda. Waxaan xasuusta fanaaniintaa aan kor ku xusay, waxaan xasuustaa gabayaagii Qaasim. Kuli waxay dadka uga baahnayeen taageero, laakiin maalintay dhinteeen uun baa la xasuutay

Waxaad moodaa Somaliland in isku kalsooni ama dareen quwmiyadeedba aanu ka jirin. Qofka dhintaana reerkiisa uunbaa aasta. Ma ogi sida isku-xidhnaantii dadku usoo noqon karto. Malaha marka riwaayado cusub ay ku soo bandhigaan fanaaniintu  Golaha Murtida ee cusub ayaa quluubteenu debci

MUUSE FARAH,

Hargeysa