Firxadkii Farxaan

Goobtu waa magaalo buuq badan, dad iyo baabuur waxa is dhex qaadaya dhagaha iyo indhuhuba way kugu dawakhayaan. Sidii caadada ii ahayd waxaan u jarmaaday dugsi waxbarasho oo aan bare ka ahay. Dugsiga waxa wax ka barta arday aad u badan, wiilal iyo gabdho da’ kasta leh.

Sida la sheego baraha iyo dhakhtarka caafimaad waxa ay ku farxaan ama ka naxaan waxaan dan iyo muraad midna ugu jirin. Baraha ama macallinka haddii loo sheego in ubadkii uu wax barayay mid ka mid ahi wax wanaagsan sameeyay ama meel fiican gaadhay, farxad ayuu cirkaa maraa. Sidaa si le’eg ayaa haddii ciddi in le’eg oo xumaan ah ardaygiisa looga soo sheegana uu murugoodaa oo uu farta dhexda ka qaniinaa. Sidoo kalena dhakhtarka caafimaadka ayaa isna la mid ah oo haddii qof buka oo uu gacanta ku hayay dar Allah isaga caafimaado wuu farxaa, haddii ay tiisii noqoto oo uu dhinto ama si kalaba wax usoo gaadhaan isna naxdin ayuu wadnuhu afka yimaaddaa.

Dhinac kale haddaan kaa tuso baruhu wuxuu aad u kala yaqaannaa ubadka uu wax barayo, sida uu aabbuhu u kala yaqaan ubadka uu dhalay. Kolka uu ubadkaas soo hor istaago ayuu garan karaa kooda geesiga ah, ka haldoorka ah ee hormuudka fasalka noqon kara.

Waxba yaan hadal kugu daaline – kuguba daaliyaye – saaka subaxdan aan joogaa aad ayay uga duwan tahay maalmihii i soo maray. Waxaan tebayaa mid ka mid ah hormuudkii ardayda aan baraha u ahay. Maanta iyo dhowr maalmood oo ka horreeyay ishaydu may qaban Farxaan. Maalintii magacaa loo bixiyay lagulama qaldamin, sida aan qabo oo nasiib ballaadhan ayuu ka helay farxaddaa lagu sheegay. Goortaad aragtaba wuu faraxsan yahay, wejigiisu wuu widh-widhayaa, qosol iyo kaftan ayuu inta ku hareeraysan had iyo jeer ku habaa. Farxaan waxa uu ahaa hormuudka fasalkiisa aqoon iyo kartiba. Waxa lagu majeeran jiray dhaqan wanaag iyo furfurnaan badan. Dhinaca kale Farxaan waxa uu ka dhashay reer dhaqaale ahaan iska dhexdhexaad ah, aabbihii waa ganacsade usoo hela maalintaa waxa ay cuni lahaayeen , sidoo kale waxa uu la halgamaa kharashka yar ee ubadkiisu wax ku baranayaan.

Abbaaro tobankii subaxnimo oo ku beegan waqtigii ardaydu u baxayeen nusasaacaha ayuu isagoo wejigiisa murugo badani ka muuqato iigu yimi dugsiga. Wax uu marba cid soo waydiiyaba waakan hadda isoo gaadhay. Cod daal iyo naxdin badani ka muuqato ayuu igu yidhi: “soo adiga maaha macallinka carabiga iyo diinta dhigaa”. Si dareen leh ayaan ugu warceliyay anigoo madaxa ruxaya “haa walaal waa aniga”. Wuxuu mar kale ii celiyay “waxaan ahay Farxaan aabbihii, Farxaan firxay oo fakay, muddo dhawr maalmood ah ayaan meel uu jaan iyo cidhib dhigay waayay, shalay goor fiid ahna waxa ila soo hadlay nin afcarbeed ku hadlaya, oo ii sheegtay inuu yahay Magafe. Wax badan oo uu ilahaa maan fahmin oo luuqadda carabiga inta yar ee aan ku cibaadaysto ii ma dhaafsana, sidaa awgeed ayaan kuugu imi inaad ii la hadasho oo adigaa carabiga aad u yaqaan baa la yidhiye ninka igaga gunto”. Naxdin iyo anfariir ayuu igu riday hadalkaa uu Farxaan aabbihii igu yidhi, se anigoon wali u jawaabin ayuu ii raaciyay “ninka hadalkiisa waxaan ka fahmay inuu rabo affar kun oo doolar, aniguna ilaa xalay ayaan reerkayagii iyo tolkayba ku dhex jiray oo wax amaah ah iyo wax la i siiyayba saddex kun iyo shan boqol ayaan dirqi ku keenay, ee walaal kol aad u barooratana fadlan ninka iga dhici oo intaas ku qanci”. Yaabkii iyo fajacii ayaa igusii libin-laabmay.

Wuxuu ii dhiibay lambar dheer oo uu igu yidhi waa lambarkii Magafe, haddii aan lambarkii la hadlayba waxa ii jawaabay nin ku hadlaya carabi lahjad ah, oo ii sheegay inuu yahay Magafe. Farxaanna inuu hayo oo uu ka rabo lacagtaas uu soo sheegay, markaan u sheegay in aabbihii tabaalaysan yahay, lacagta inta uu hadda soo uruuriyayna uu dirqi iyo tu baas ku keenay, sidoo kalena inuu yahay beer wax dhalay oo murugaysan. Waxaan kale ku beerlaxawsaday inuu yahay qof muslin ah, annaguna aannu nahay muslimiin. Isku soo wada duub oo muddo aan yarayn kolkaan la hadlayay ayuu kusoo gabogabeeyey hadalkii “haddii hal doolar ka dhiman yahay ogow Farxaan wuu dhimanayaa” *dhiidh* *dhiidh*. Telefoonkii ayuu igu jaray anigoon wali jawaabin, sidii ayaanan ugu sheegay Farxaan aabbihii, isna wuu iga dhaqaaqay isagoon ii war celin.

Muddoo dhawr maalmood kadib ah, ayaa arday kale oo dugsiga dhigta, Farxaanna ay isku fasal ahaayeen ii sheegay in lacagtii loo diray Magafe, hase yeeshee intii ay dhexda kusii jirtay ay Farxaan iyo koox la socotay isku dayeen inay baxsadaan. Kooxihii budhcad-badeedka ahaa ee haystayna ay rasaas oodda kaga qaadeen, halkaas uu Farxaan ku naf waayay.

Xamse M Cali (Cumar Kujoog)

Hargeisa, Somaliland

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib