Filashada Shirka Madaxtooyadu go’aamisay, Fashilaadda Guurtida, Firdhinita Siilaanyo Iyo Fejaca Bulshada! – WARBIXIN

DIYAARINTII Cabdifataax I. Mursal, mrmursal@gmail.com

Hargeysa (SLpost)- Garabka Xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, ayaa caawa Shir ay Madaxtooyada ku yeesheen ku go’aansaday inay maalinta Berri ah qabsadaan Shirka koowaad ee xubnaha Golaha dhexe oo khilaaf xooggani ka taagan yahay, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo Xog-ogaal u ahaa natiijada Shirkaas.

sillanyo

Xogta go’aanka Shirka caawa Madaxtooyada ka qabsoomay:

Ila-wareedyada uu Aftahannews warkan ka helay waxay intaa ku dareen in Shirka Madaxweynaha iyo Galaha Wasiirrada caawa ku dhex-maray qasriga Madaxtooyada in lagu go’aamay abbaaro 11-kii habeennimo ee caawa in Shirka Golaha dhexe ee ay hore Garabkaasi ugu muddeeyeen inay qabsadaan 1-da Bisha June oo Axadda Berri ku beegan aan la joojin ee la qabto, isla markaana laga soo wareejiyo Huteelka Maansoor oo toddobaadkii hore ay sheegeen inay ku qabanayaan, una wareejiyaan Huteelka Ambassator ee Koonfurta magaalada Hargeysa.

Sida ay ila-wareedyadaasi Aftahannews u sheegeen, waxa go’aankaa ka dib, la isugu yeedhay Golaha dhexe ee Garabka Madaxweynaha oo ay Liiskiisa soo saareen Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE, balse ay Garabka Hoggaanka ee Muuse Biixi markii la soo saaray ku gacan-saydheen, ayaa xubinkasta oo liiskaas Golaha dhexe ee khilaafka qarxiyey ka mid ah looga yeedhay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka ee ay ku sugan yihiin, iyagoo la faray intooda Caasimadda Hargeysa joogta mooyee intooda kale inay caawa soo guura-galaan, isla markaana aan Sagaalka Subax-nimo ee Axadda Berri laga waayin Hoolka Shirkaasi ka qabsoomayo ee Huteel Ambassador ee Hargeysa.

Doodda Xukuumadda:

Hase-yeeshee, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo Shirkaas caawa ka qaybgalay oo Weriye Aftahannews ka tirsani markii uu xogtan helay ka dib uu khadka Taleefanka kula xidhiidhay, isla markaana uu wax ka weydiiyey Shirkaa caawa lagu go’aamiyey qabashada Shirka Golaha dhexe, waxay ku doodeen inaan shirka Berri lagu qabanayaa Ambassador Huteel ahayn shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, balse uu yahay Shir is-barasho ah oo ay isku-baranayaan Xubnaha Golaha dhexee Xisbiga KULMIYE.

Xubnaha Xukuumadda ka tirsan ee Weriyaha Aftahan la hadlay, waxay sheegeen in Shirkaasi furmayo, balse aanu ahayn mid la isku dooranayo ama Golaha dhexe loo qabanayo. Hase-ahaatee, waxaannu sidoo kale la xidhiidhnay qaar ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Garabka Madaxweynaha oo aannu wax ka weydiinnay waxa loogu yeedhay, ayaa sheegay inaanay ogeyn waxa qarsoon, hase-ahaatee, la faray inay caawa illaa subaxnimada Berri soo gaadhaan Hargeysa oo aanay habsaamin, wixii kharashaad ahaa ee ay ku soo bixi lahaayeenna loo diray. Balse waxay ka gaabsadeen inay noo sheegaan cidda kharashka u dirtay, qofka sida tooska u faray soo bixitaankooda iyo ujeeddada rasmiga ah ee loogu yeedhay.

Kala-qaybsanaanta KULMIYE:

Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ayaa khilaafka ka dhex-jiraa keenay inuu yeesho laba Gole dhexe iyo laba Guddi Fulineed oo ay labada dhinac ee Xisbigaasi u qaybsamay soo kala saareen labadii toddobaad ee u dambeeyey, iyada oo ay taasi jirto, ayaa Guddiga dhex-dhexaadineed oo Golaha Guurtida ka socda, isla markaana uu Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan hoggaaminayo waxay ku baaqeen inay dhinacyadu joojiyaan shirarka Golaha dhexe oo ay hore ugu kala muddeeyeen 31 May oo maanta ku beegnayd iyo 1-da June oo Berri ku beegan.

Garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa iyagu xalay-ba aqbalay baaqa shalay ka soo yeedhey Guurtida, isla markaana hakiyey shirka Golaha dhexe ee ay qabashadiisu Sabtidii maanta ugu muddaysnayd.

Diidmadii iyo Aqbalaaddii dambe ee Madaxweyne Siilaanyo:

Hase-yeeshee, Garabka Madaxweynaha oo aan baaqaas xalay aqbalin, guud ahaanna ka soo horjeeday Ergada Guurtida, ayuu Guddoomiye Saleebaan-gaal maanta sheegay in Madaxweynaha iyo Garabkiisu aqbaleen dhex-dhexaadintooda, isla markaana ay joojiyeen Shirkii Golaha dhexe ee ay Axadda Berri qaban lahaayeen.  Balse go’aankan caawa ayaa Hal Bacaad lagu lisay ka dhigaya aqbalaadda Guddoomiyaha Guurtidu sheegay inuu ku oggolaaday Garabka Madaxweynuhu baajinta shirkaas iyo inay dhex-dhexaadiyaan labadooda dhinac ee is-haya.

Filashada Shirka la go’aamiyey in lagu qabto Ambassador Huteel:

“Shirkaas la isugu yeedhay Golaha dhexe ee Berri lagu qabanayo Ambassador Huteel, Laba mid bay noqonaysaa inay Guddoomiyaha Xisbiga Xilka ka qaadan iyo inay Musharraxa jagada Madaxweynaha iyo Musharraxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka doortaan. Weliba waxa laga yaabaa inaanay xilka-qaadista Guddoomiyaha ku deg-degin, balse ay doorashada soo qaddimaan, hadday doorashadaa sameeyaanna saamaynta aad I weydiisay ee ka dhalan kartaa waxa weeye in Garabka Guddoomiyuhuna dhiniciisa cid urursado oo ay yidhaahdaan annaguna waannu is-doorannay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka Siyaasadda Somaliland falanqeeya oo wakhtigan ka gaabsaday in aannu magiciisa shaacinno.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Sharciguna ma oggola laba Xisbi oo isku magac, markaa waxa imanaysa in la yidhaahdo Maxkamaddaa inna kala saaraysa, Maxkamadduna go’aan loo yeedhiyey bay ku dhawaaqi doontaa sidaan qabo, waayo waxaad ogayd maanta inay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada ee Somaliland ay yidhaahdeen, waxaa sharci ah Liiska ay noo soo gudbiyeen Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE, Liiskaas oo ah liiska khilaafka-ba dibedda u soo saaray markii Hoggaanku diiday, Maxkamadduna Liiskaas iyo waxay go’aamiyaan bay ku dhaqmaysaa.”

“Markaa, ka dibna waxa imanaysa inay hadday u hoggaansami waayaan Garabka Muuse Biixi tallaababa ay Xukuumaddu ka qaaddo xadhig iyo wax la mid ah. Waxaana Shirkan Golaha dhexe ee Garabka Madaxweynuhu go’aansadeen inay Berri qabsadaan fashilaad ku yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan oo maanta sheegay in Garabka Madaxweynsuhuna shirkii ay ku baaqeen joojiyeen, isla markaana ay dhex-dhexaadintooda oggolaadeen, haddii aanay Berri hor-fadhiisan Saleebaan-gaal iyo Xaaji Cabdi-Waraabe Hoolka Shirkaasi ka qabsoomayo oo aanay is-hortaagin inuu shirkaasi furmo.”

Immisa Siyaasi oo Miisaan ku lahaa KULMIYE ayuu Siilaanyo lumiyey?

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa intii uu xilka Madaxweynaha Somaliland hayay iyo intii ka horreysay ee uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahaa waxa uu lumiyey Siyaasiyiin magac iyo miisaan culus ku lahaa Xisbigaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tol-waa) oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland yeelato, isla markaana Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka u ahaa Siilaanyo doorashadii Madaxtooyada ee ugu horreysay oo Somaliland ka qabsoontay 2003-dii, taasoo Xisbigii UDUB kaga guulaystay KULMIYE oo ay Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ku noqdeen Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen la doortay.

Waxaanu Siilaanyo Cabdiraxmaan Aw-Cali lumiyey Shirkii labaad ee Golaha dhexe ee KULMIYE oo 2008 ka qabsoomay Huteel City Placa ee magaalada Burco. Sidoo kale, Siyaasiyiinta magaca ku dhex-lahaa KULMIYE ee uu Siilaanyo shirkaas ku lulmiyey waxaa ka mid ahaa Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne) iyo Siyaasiyiin kale oo qaarkood dib loogu gacan-haadiyey oo uu Axmed Xaaji Cali Cadami ka mid ahaa oo hadda dhinaca Siilaanyo ah, isla markaana ah Guddoomiyaha Shir-guddoonkii saddexaad ee KULMIYE ee liiska la isku khilaafsan yahay soo saaray.

Madaxweyne Siilaanyo intii uu xilka hayey Siyaasiyiinta uu lumiyey ee KUKLMIYE waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenkii labaad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo isagana xilka iyo Xubinnimadii KULMIYE lagaga xayuubiyey Shirkii saddexaad ee Golaha dhexe oo Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka qabsoomay sannadkii 2012-kii, kaasoo markuu isku dayey inuu ka hadlo madashii xilka iyo xubinnimada lagaga qaaday dibedda loo tooray, isla markaana dib looga dhaawacay Dhabarka oo uu soo dhawaynta KULMIYE uga jabay sannadkii 2009-kii oo uu KUKLMIYE mucaarid xooggan ahaa.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka KULMIYE maxay kaga duwan yihiin Siyaasiyiintaas?

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, inkasta oo ay yihiin Mujaahidiin Siilaanyo la soo halgamay, isla markaana hiil iyo hooba la garab-taagnaa markii uu halganka Kursiga Madaxtinnimada ku jiray, sidoo kalena ay ahaayeen Saaxiibbo muddo dheer soo wada-qaatay illaa wakhtii ay SNM wada ahaayeen, haddana waxay dadka Siyaasadda faaqidaa yidhaahdaan; ‘Siyaasaddu malaha Saaxiibtinnimo joogto ah ee waxay leedahay dan joogto ah’.

Sidaa daraaddeed, waxay noqon kartaa inaanu danaynin Madaxweyne Siilaanyo saaxiibbadiisii shalay, balse beddlelkooda uu doorto Saaxiibbada maanta isaga la jira ee ku garab-taagan hankiisa Kursiga maaddaama oo ay Saaxiibbadii shalay hankiisa damaca Kursiga ku garab-taagnaa maanta iyagu taagan yihiin in la gaadhay markoodii, taasina aanay Siilaanyo wakhtigan u muuqan ee sida uu maantaba shaaca ka qaaday yahay Musharrax markiisii labaad u taagan inuu u tartamo jagada Madaxweyne-nimo, sidaa awgeed waxba kagama beddel-naan doonaan Siyaasiyiintaa uu hore u lumiyey xubnahani marka laga eedho dhinaca Madaxweyne Siilaanyo.

Wareegga Giraanta Socota:

Si kastaba ha ahaatee, waxaynu dhawraynaa dharaaraha soo socda iyo dhinaca ay Garaanta Siyaasadeed ee awood-kala-jiidashada iyo hanka damaca Kursiga ee u dhexeeya Xisbiga KULMIYE ama Hoggaanka KULMIYE iyo Madaxweynuhu u wareegto iyo waxay ay ku dambayso haddii Illaahay inna nabad-gaadhsiiyo.

XIGASHO: Aftahan News