Filam Ka Hadlaaya Argagixisada Oo Ay Ka Soo Dhex Muuqdeen QaarKa MId ah Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho

Hargeysa(SLpost)-Waxaa caalamka ku soo badanaya filimada laga sameynayo Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood galay Hollywood-ka isla markaana si aad ah loo daawado.

Filim logaga hadlayo argagixisada Soomaaliya ayaa waxaa ka soo muuqday Yuusuf Indhacadde xilli uu Maxkamadaha Islaamiga ah ka tirsanaa, iyadoo dhinacyada ay ka taagan yihiin ilaalo qaarkood afka u duuban yahay.

Sidoo kale filimkaan oo ah muuqaallo la soo ururiyay, waxaa ka qeyb qaadanaya Janayaallo Mareykanka ka tirsan oo ka hadlaya arrimaha argagixisada dalalka Liibiya, Yemen, Soomaaliya iyo kuwo kale.

Waxaa kale oo ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama, Saraakiil, iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay howlgallo magaalada Muqdisho laga fulinayo

https://youtu.be/KI2-wb6tiBw