Fiditaanka HIV/AIDS oo Somaliland hoos u dhacay iyo isbarbar-dhigga sida uu u Saameeyey Dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha komishanka Qaranka iyo la dagaalanka xannuunka HIV-AIDS Maxamed Daahir Kheyre, ayaa maanta ka warbixiyey marxaladda cudurka AIDS ka marayo Somaliland iyadoo gudoomiyuhu ku bushaareeyay inuu hoos uga dhacay heerkii uu sannadkii hore marayey.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in awoodda la saaray gaadhsiinta bukaanka dawooyinka loo isticmaalo xannuunka, isla markaana ay maalin-ba maalinta xigta soo kordhayaan dadka doonayaa inay isa-soo bandhigaan oo ay dawooyinka qaataan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey tiradda dadka qaata daawooyinka cudurkan halista ah, ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 ruux ay xafiisyada Komishanka ee goboladda  dalka ay ka qaataan daawooyinkaas, waxaanu caddeeyey in inkasta oo khatarta xannuunkani ay weli taagan tahay, haddana fiditaankiisu uu hoos uga dhacay gudaha Somaliland qiyaas dhan 1.3%.

Cudur-dhaliyaha HIV ee keena Xannuunka halista ah ee AIDs, ayaa faro-baas ku haya dunida, siiba qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Saxaraha ka hooseeya oo lagu tilmaamo gobolka ugu badan ee uu xannuunkani saameeyey marka loo eego adduun-weynaha waxaana la qiyaasaa tiro ku dhow 23 Milyan oo qof oo ku nool dalalka Saxaaraha ka hooseeya, ay xannuunkan la nool yihiin.

Tirada dadka la nool jeermiska HIV iyo tirada dadka u dhimanaya cudurka jeermiskani ka dhasho ee AIDS, ayaa dalalka Afrika aad ugu kala duwan yihiin. Waxa la tilmaamaa in dalal dhowr ah oo Somaliland iyo Senegal ka mid yihiin, tirada dadkooda la nool cudur-dhaliyaha HIV ay ka yar tahay 1%, halka dalalka Namibia, Zambia iyo Zimbabwe tirada dadkooda la nool jeermiska HIV lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 10% ilaa 15%. Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegaa inuu yahay waddanka ugu badan ee shacabkiisu u dhintaan cudurka AIDS in kasta oo tirada dadka la nool jeermiska HIV ay ka hooseyso saddexda waddan ee Botswana (24.8%), Lesotho (23.6%) iyo Swaziland (25.9%) oo ah dalka ugu badan Afrika ee ay ku nool yihiin bukaan la nool Cudur-dhaliyaha HIV.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net