Faysal Oo Wadamada Geeska Afrika U Soo jeediyay Inay Dhaqaalaha iyo Waxbashada Isku Furaan

 

Hargeysa(SLPost)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku taliyay in wadamada Geeska Afrika ay isku furaan Dhaqaalahooda iyo waxbarashadooda kuwaas oo haatan ay celinayaan xuduuduhu.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ugu baaqay Itoobiya inay ogalaato in loo soo dhoofiyo milixda iyo Kaluunka Somaliland,isla markaasna la dhaafo ganacsiga dhanka Itoobiya uun ka imanaaya, waxa uu sidan ka sheegay Faysal Cali Waraabe mar uu ka hor hadlaayay arday ka qalinjabisay jaamacada Alpha, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Maanta aduunku waa uu isku guur guurayaa wadamadan Geeska Afrika, waxaa jeclahay inaan samayno iyada oo qolo kastaa dalkeeda haysata macaa Somaliya, in aynu isku furno dhaqaalaha iyo waxbarashada dalalkaas, waynagan hada bilownay in laysku furmo dhankii tacliinta oo ay jaamacado badan inooga yimaadeen Itoobiya, laakiin ilaa hada dhaqaalaha waxaad moodaa in uu socdo ka wadada kaliyaata ah oo inaga waxii inaga tagaana ay kootarabaan ku tagaan waxii Itoobiya inooga yimaadana ay albaabadu u furan yihiin, in aynu isku furno xuduudaha ayaa fiican, oo maanta Itoobiya qaad ayay inaga iibisaa waa in aynu u diyaar garawno inaan ka iibino milixda iyo kaluunka.”