“Faysal haduu u baahan yahay Aayadda Qur’aanka ah ee ka mamnuucaysa inuu markan isa soo sharaxaa way jirtaa ee miyaanu Qur’aanka aqoonin”

Hargeysa (SLpost) – Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay uu jiray khilaaf cakiran oo u dhexeeya guddoomiyaha xisbiga Ucid iyo musharaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen, sidoo kalena musharax xigeenkii xisbiga Cabdirashiid Xasan mataan ku kalifay inuu iscasilo, ayay haddana soo ifbaxaysaa in guddoomiye Faysal iyo guddoomiye xigeenka saddexaad ee Ucid Cali Guray ay is khilaafsan yihiin.

Arbacadii shalay ayuu Eng Faysal Cali Waraabe sheegay inaanay jirin Aayad quraan ah ama sharci u diidaya inuu noqdo musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid, balse Cali Guray ayaa Eng Faysal xasuusiyay Aayad qur’aan ah oo muslimka faraysa Oofinta ballanta.

 “Haddii La Isku Darro Maxamuud Xaashi Iyo Cali Mareexaan Ma Gaadhi Karaan Xirsi” Cali Guray“Faysal haduu u baahan yahay Aayadda Qur’aanka ah ee ka mamnuucaysa inuu markan isa soo sharaxaa way jirtaa ee miyaanu Quranka aqoonin “WA UUFUU BIL CAHDI INAL CAHDA KAANA MASUULAA” xagay ka martay,” ayuu Mujaahid Cali Guray ku yidhi bartiisa facebook.

Sidoo kale Cali Guray wuxuu tilmaamay in haddii arrimaha Ucid la xallin waayo ayba fiican tahay inay isaga iyo Faysal isku noqdaan musharax iyo musharax xigeenka UCID, “Hadday xeego xeego noqon waydo marka ugu dambaysta aniga iyo Faysal aanu isku soo hadhno saw Musharaxa madaxwaynaha iyo Ku xigeenka isu noqon mayno labadayadu oo maxaan ku diidi waaba dahabeh,”

Sidoo kale Guddoomiye xigeen Cali wuxuu ku dooday in haddii Ucid meesha ka baxo xisbiga Waddani heli doono guul taariikhi ah “Gudoomiyaha UCID tii markii hore ee xisbigiisu kala jabay ee keligii lagaga tegey, tu la mid ah ama ka sii daran ayuu mar kale gacmihiisa ku samaysan karaa hadii aanu si run ah laba goor u fakirin. Lakiin anigu in aan keligay iska sii ag fadhiyo ayaa laga yabaa UCIDna uu dhabtayada ku go’. Yaa xaasilka ka faaiidi doona ayay filayaan. Naaqus nimadooda kas xumadooda iyo garaad yaraan tooda waxay filayaan dadka xisbigoodii ay burburiyeen inta Kulmiye noqdaan ay Muuse Biixi taageeri. Taasi waa garashadii Muuse laakiin guul aan taariikhda Somaliland xisbi u helin waxa u heli doona WADDANI cid jecel iyo cid aan jeclaynba. Kulmiye ma jiro EE WAA IMMA UCID IMAA WADDANI.”

 

Somaliandpost.net

Hargeysa Somaliland