Faysal Cali-waraabe Oo WADDANI Uga Digay Weedhaha Colaadaysan Ee Ay Bulshada Ku Dhego-barjeeyeen

(SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka dareen celiyey dhawaaqyadii dhiillada lahaa ee shalay kasoo yeedhay saraakiil katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo ku gooddiyey inay xaalad dagaal dalka ka abaabuli doonaan, waxana uu xisbigaas uga digay inuu dhegaha bulshada maqashiiyo weedhahaas xajiinta leh.

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo hadallo dhinacyo badan taabanaya ayaa si gaar ah diirrada u saaray dhiillada colaadeed ee uu  xisbiga WADDANI hore u sheegay inuu dalka ka ridi doono, waxana uu si cad u sheegay inaanu dagaalku ahayn wax si yar loo iclaamiyo, isaga oo ka digay in xisbi qaran ku hadaaqo weedho sidaas oo kale u xajiimaysan.

Faysal Cali-waraabe oo xisbiga WADDANI uga digay weedhaha colaadda xambaarsan ee dareenka bulshada dhaawici kara, ayaa waxa uu yidhi, “Shalay waxa ay lahaayeen waa inoo dagaal, adeer dalkan dagaal sokeeye oo dambe ka dhici maayo, qofkii doonaya inuu waddanka hoggaankiisa qabtaana si sharci ah ha u loollama oo qabiilka haka daayo.”

Guddoomiyuhu waxa uu dawladda ugu baaqay inay sharciyadda marisoo cidda ay xabsiyada dhigto, isaga oo xisbiga WADDANI-na ka codsaday inay waddanka rabashka ka dhawraan, maadaama oo aan wax faa’iido ahi ku jirin, “Dawladda waxan leeyahay dadka aad qab-qabataan waa in sharciga la mariyaa, qolooyinka dadka laga xidhayna waxan leeyahay dalka rabshadda hallaga daayo, maxkamaddana halla sugo, laakiin in mudaharaad la sameeyo oo tolla’ayeey la yidhaahdaa dalkana faa’iido uma laha, adigana faa’iido kuuma laha,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Faysal Cali-waraabe waxa uu si qoto dheer sawir buuxa uga bixiyey nidaamkii mucaaradeed ee ay u dhaqmi jireen xisbigiisa iyo KULMIYE waqtigii ay mucaaridka ku ahaayeen xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, waxana uu xisbiga WADDANI ee xilligan mucaaridka ah uga digay inay arrin reernimo salka ku haysa wax ku doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dalku nidaam buu lahaa oo labadayada xisbi ee mucaaridka ahi waanu is maqli jirney, laakiin waxad mooddaa inay tolla’ayeey socoto, Somaliland-na tolla’ayeey ku socon mayso.”

Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu ka hadlay warar soo baxayey oo sheegayey inay dawladda Soomaaliya ku hawllan tahay sidii ay ciidamo usoo dejin lahayd magaalada Buuhoodle, waxana uu sheegay inaanay wax colaadi ahi halkaas ka dhici doonin, “Marnaba Buuhoodle noqon mayso meel ay reer Somaliland ku dagaallamaan, Farmaajo-na fidno ayuu doonayaa inuu inaga dhex bilaabo, reer Somaliland-na diyaar fidno uma aha oo wada-hadalladii Khaatumo waanu wadnay oo khayr bay kusoo dhammaanaysaa,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

 

Somalilandpost.net