Faysal Cali Waraabe oo Markii u horreysay ka Hadlay Wiil uu dhalay oo Ku Biiray Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Iraq iyo Syria (DAAWO MUUQAALKIISA)

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Xaqiijiyey in mid ka mid ah Carruurtiisa oo ku noolaa waddanka Finland uu ku biiray Kooxda Islaamiyiinta ah ee ISIS oo dagaallo ka wadda Waddamada Syria iyo Iraq, halkaas oo ay doonayaan inay ka hir-geliyaan dawlad Islaami ah.

WIILKA FAYSALEng Faysal Cali Waraabe oo waxa uu jiritaanka warkan ku xaqiijiyey waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

DHEGAYSO HADALKA FAYSAL

Wiilka uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo lagu magacaabo Xuseen Faysal Cali, oo sannadkii hore socdaal ku yimi Somaliland, ayaa ciidamada Ammaanka ee magaalada Laascaanood gacanta ku dhigeen isaga iyo Xaaskiisa oo ku sii jeeda gobollada Koonfurta ee dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan deegaamada ay ka hawl-gasho kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu ku biiri, balse laga horjoogsaday inuu dhaafo Laascaanood, isla markaana lagu soo celiyey magaalada Hargeysa.

Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaamada ay ka hawl-gasho kooxda ISIS ee Syria iyo Ciraaq, waxa uu ku shaaciyey  inuu ku biiray Kooxda dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee ISIS.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALILANDPOST.NET