Faysal Cali Waraabe oo Kulan aan Ujeeddadiisu Caddeyn la Qaatay Madaxweynaha Soomaaliya (DAAWO SAWIRRO)

London (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa kulan casho-sharaf ah oo aan ujeeddadiisu caddeyn la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Ingiriiska.

FAYSAL CALI WARAABE OO KA DHEX MUUQDAKulanka Casho-sharafta ah ee Dhexmaray Faysal Cali Waraabe iyo Madaxda Soomaaliya, ayaan ogeyn inuu ahaa Mid hore loo qorsheeyey, lamana shaacin ujeeddada iyo waxyaabaha ay kulankaas ku soo qaadeen labada dhinac.

Ma aha markii u horeysay ee Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu London kula kulmo madaxda dawlada Soomaaliya oo Booqaneysa London.

faysal 2Guddoomiye Faysal waxa uu hore Sidan oo kale sanadkii Hore ula kulamy wefdi ka socday Soomalaiya oo uu hogaaminayay wasiirkii hore ee dawlada KMG aheyd mar ay London wadahadalo ku dhex marayeen iyaga iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa u muuqday mid farxad geliyay wefdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya ee London booqashada ku joogay, maadaama ay la kulmeen Masuul ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dalka, haseyeeshee Guddoomiye Faysal ayaa lagu yaqaannaa inuu ku ad-adag yahay Qadiyadda iyo Arrimaha Siyaasadeed ee Somaliland.

FFFF (1)Guddoomiyaha  UCID iyo Xisbiga uu hoggaamiye, ayaa looga fadhiyaa inay caddeeyaan ujeeddada kulanka dhexmaray Madaxda Soomaaliya iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen.

SOMALILANDPOST.NET