Faysal Cali Waraabe Oo Ka Jawaabay Sababta Uu Komishanka Doorashooyinka Xubinta Xisbiga Ucid uu Ugu Soo Magacaabo Beeshooda

 

Hargeysa(SLpost)-Eng, Faysal Cali Waraabe oo bulshadu su’aalo ku waydiinaysay barnaamij telefishanka HCTV qabtay ayaa la waydiiyay sababta uu masuul kasta oo uu u magacaabo Komishanka doorashada uga dhigo mid ay isku reer yihiin, haddana xukumadda ugu dhaliilo qabyaalad, dadkana uga wacyi galiyo qabyaaladda.

Eng. Faysal oo arrintaasi uga jawaabay si furfuran oo xaqiiq ku dhisan ayaa sheegay in masuulkii u horeeyay ee uu Komishanka u magacaabay ku shaqayn waayay siyaasaddiisa kadibna uu go’aansaday in qof ay isku hayb yihiin oo uu ku kalsoon yahay halkaasi geeyo, taasina ay sababtay in afar masuul oo uu u magacaabay Komishanka doorashada ay Faysal isku hayb yihiin.

Faysal oo su’aashaasi ka jawaabaya ayaa yidhi “Anigu waxba ma qariyo ee I dhegaysta; barigii u horaysay labada Mucaaradkaba anigaa soo magacaabay, markaa waxaan soo gudbiyay Dr Adna Aadan Ismaaciil iyo Prof. Guuleed oo jaamacadda Camuud haysta,markaasay labadiiba iga cudur daarteen oo Adni tidhi Dhakhtar baan dhisayaa, Prof-kuna jaamacaddii  baan hayaa yidhi .

Waxaan markaas soo magacaabay inantii Hay’adda Kandhalayt haysatay ee la yidhaahdo Shukri Baandare iyo inankii u sareeyay daladda ururada aan dawliga ahayn oo reer Boorama ahaa.markii aan doonayay inaan Cabdiraxmaan ka dhigo guddoomiyaha Baarlamaanka , ayaan arkay Shukri oo naga ololaynaysa,hadda waa inantaan soo magacaabay; maalintaas baan idhi “Naaw”!  waar wallaahi waxay Soomaalidu sheegi jirtay waxbaa ka jiree Nin ehelkaa ah uun magacow kaasaad aaminaysaaye, halkaas ayaan ka bedelay siyaasaddii,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Eng Faysal waxa uu sheegay in intuba u qalmayeen jagada uu u dhiibay “Laakiin Saddexdiiba waan ka dhigaye, saddexdiiba kuwii ugu fiicnaa bay noqdeen.waxa weeye qofku xaq buu u leeyahay ee ma yahay qof meeshii u qalma. Mar waxaan magacaabay Axmed oo Alle ha u naxariistee Ilmaadeer baanu ahayn, haddana waxaan magacaabay Looyar Khadar oo waad aragteen oo waa Looyarka dalka, haddana waxaan magacaabay Cabdifataax(Laba jeer ayuu Cabdifataax magacaabay), Shukrina ku dar oo intuba inta ugu fiican ee Komishanka soo martay ayay ahaayeen. Markaa markaan arkay in inantii aan keenay iga leexatay ayaan idhi waar bal kan yaa xasaba ayaa la yidhiye bal kan ku day.”