Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Khilaafkii La Sheegay Inuu U Dhaxeeyay Musharax Jamaal

Us(SLpost)-Gudoomkye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan khilaaf buuran u dhacayn isaga iyo musharaxa xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ku tilmaamay wararkii dhawaanahan laga baahiyay kuwo xisbigooda lagu samacad dilaayay.

Faysal oo lagu warastay barnaamijka qubanaha VOA ayaa ugu horayn la waydiiyay halka uu ku danbeeyay khilaafkii Ucid ka dhex jiray “Arintaasi waxay u talaa golaha dhaxe, sanadkan gudihiisa ayaanu samayn doonaa shirkii golaha dhaxe, waxa naga go’an in xisbiga ay maalintiisii tahay sidii uu guusha ku keeni lahaa, labada xisbi ee kalena waa ay soo taliyeen midna ka waxa uu ka soo taliyay baarlamaanka midna xukuumada inuu maanta markaas xisbigu qaato doorashadan weeye. Marna laygama maqalin khilaaf ayaa taagan, mar kaliyaata maan odhan heshiis ayaa dhacay, waxan warbaahinta uunbaa buunbuuninayay, xisbi kasta iyo urur kastaba waa ay jiraan aragtiyo kala duwan oo waa laga doodaa laakiin waxaanu anagu madaxa isku dhufanay Jamaal ama aanu ku kala tagnay ma jirto, warbaahinta iyo xisbiyada kale ayaa buunbuuniyay oo doonayay inay samcad xumaan nagu ridaan ee marna khilaaf naguma jiro.”