Faysal Cali Waraabe oo Fashiliyey Qorshe ay Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Saleebaan & Guddoomiye Cirro ku doonayeen dhismaha dawlad Ku-meel-gaadh ah oo uu diiday

LONDON (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in sannadkii 2009-kii loola yimi in dawlad Ku-meel-gaadh ah lagu dhawaaqo oo Mucaaradkii markaas jiray ee KULMIYE iyo UCID iyo weliba Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweynaha immika talada hayaa markaa doonayeen in marka ay dhammaato muddo-kordhintii loo sameeyey Madaxweynihii xilligaas Daahir Rayaale Kaahin, hase-yeeshee uu ka diiday.

faysalowGuddoomiyaha UCID waxa uu sheegay inaanay jirin meel ay Sharciga Somaliland kaga taallo dawlad ku-meel-gaadh ah, hase ahaatee haddii la is-dhegaysan waayo oo caragsi iyo in la isu-joojin maayo ay ku dhaqanto Xukuumadda talada haysaa inay wax waliba iman karaan. Waxaanu ku dooday in waxyaabihii lagaga guulaystay Xisbiga UCID doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii ay ka mid ahayd diidmadii uu diiday in la sameeyo dawlad wadaag ah oo ay hoggaamiyaan Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada oo la rabay in markaas laga dhigo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay Kulan uu la yeeshay Jaaliyadda ku dhaqan magaalada London ee reer Somaliland oo ay Weriyeyaal kala duwan oo ka qaybgalay Su’aalo door ah ku weydiiyeen.

HALKAN KA DAAWO