Faysal Cali Waraabe Oo Dilaaliin Ku Tilmaamay Dad Ku Biiray Xisbiga KULMIYE

(SL.Post) Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay inuu yahay murashaxa ku haboon ee dalka ka saari kara marxalada uu maanta marayo.

Guddoomiye Faysal oo khudbad ka jeediyay xaflad loo sameeyay taageerayaal cusub oo shalay ku biiray xisbiga UCID, wuxuu ka jawaabay dadweyne dhawaan sheegay inay ku biireen KULMIYE, kuwaas oo ka soo jeeday deegaanka uu Faysal Cali Waraabe u dhashay, waxaanu ku tilmaamay inay ahaayeen dilaaliinta salayda, “UCID iyo Waddani iyo KULMIYE waa salka, laakiin waxa tartamayaa waa saddex nin. Muuse Biixi ayaa afar nin oo la yidhi saylada ayay ka dilaali jireen ayaa waxay ku yidhaahdeen  beeshan ayaa kugu soo biirtay oo tageeraya murashaxa muuse Biixi.”

Faysal oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waan la yaabay mid Muuse Biixi taageera ayaa maalin dhawayd wuxuu yidhi bari ciddi inagama xigto, dad qaawan ayaa inaga xiga, adhigiina wuu ka baxay, waana taageerayasha Muuse, kuwa cirrona waad aragteen inanta leh tolaay yaa habaryoonisaay, waxaas ay leeyihin ayay

taagerayaashaadooduna qabaan oo isagaa ka dul hadlaya, aniguse waxaan leeyahay Somaliland inaan midayno ayaan doonayaa, bari iyo galbeed intaan ku noqday waad ogtihiin, xisbi qaran oo aan saar qabiil ku jirin ayaan doonaynaa.”

Somalilandpost.net