“Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen waa ilma Cali labaduba, dhowr shaybay walaal ka yihiin;…”

gudoomiyaha-Togdheer-300x168Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka jawaabay eedaymo uu u jeediyey Murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo xukuumadda maanta isku dayday inay ka horjoogsato gobolka Togdheer.

Jamaal Cali Xuseen iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Badhasaabka Togdheer iyo Ciidamo uu wataa duleedka magaalada Sheekh ku horjoogsadeen, taas oo noqonaysa markii labaad ee xukuumaddu kula kacdo Jamaal Cali iyo xisbigiisa UCID. Haseyeeshee, waxa markii dambe loo ogolaaday inay gudaha u geli karaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii wada-hadal iyo is-afgarad dhexmaray maamulka gobolkaas.

Halkan ka dhegayso Hadalka Gudoomiyaha Togdheer