Fayasal Cali Waraabe oo Go’aanka Wakiilada Ee Madaxweynuu Ku Soo Celiyay Ku Tilmaamay In Dawladnimada Lagu Ciyaarayo

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa wax la’ala yaabay ku tilmaamay in madaxweynuu uu ku celiyo golaha wakiilada go’aan ay gaadheen oo aan xeer ahayn.

Waxa uu dhacdadan ku tilmaamay mid ugub dalka ku ah isla maraasna u muuq eekaanaysa in lagu ciyaarayo dawladnimadii, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Dawladu xaq ayay u ledahay inay badbadasho tantida qaranka laakiin waxa muhiim ah laba arimood, waxa kow ka ah in dakhligii dawladu ka helaysay uu ka badanaayo oo lagu kobcinaayo dhaqaalaha, laba in si cadaalad ah loo bixiyay oo dadka oo dhami ay ka qabgaleen. arintan in baarlamanakii lagu celiyayna waa mid iikow ah waxaanay muujinaysaa in aynaan dawladnimada garanayan, waynu ku ciyaaraynaa oo habkeedii ma hayno waxay ahayd inay dawladu mooshinka ogalaato ama sidii kuwii horeba ay indhaa uga qarsan jirtay ay uga qarsato, waxay golaha ku soo celinkartaa xukuumaddu xeer aan lagu ansaxin sadexmeeloodow laba meelood laakiin go’aan la soo celiyay waa mid ugub ah.”