Fatahaado Baddu Sababtay oo ka Dhacay Meelo ka mid ah Xeebaha Somaliland 

 

Hargaysa(SLpost)-Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dadweynaha iyo maamulka deegaannada xeebta woqooyiga Somaliland gaar ahaan xeebaha degmooyinka Bulaxaar iyo Lughaya, waxa aad u kacday badda oo sababtay inay ku fatahdo barriga ku dhaw. Fatahan ayaa yimi kadib markii mawjadaha baddu kacsanaayeen illaa shalay iyo xalay oo ay gaadheen 7-8m.

Wararku waxay  noo xaqijinayaan inay waxyeello badani soo gaadhay dadka xoola dhaqatada ahaa ee dega xeelliga badda oo barakac ballaadhani ku habsaday illaa xalay  kuwaasoo guryihii badda u dhawaa iyo qoysaska qaarkood xoolihii gaar ahaan adhigii kala tageen biyuhu; sidoo waxay ka dumisay qoysas badan guryihii degmooyinka Lughaya iyo Bulaxaar.

Boqolaal qoys ayaa ku barakacay oo iyagoo fara madhan naftooda oo kaliya ula baxsaday xagga barriga ka durugsan biyaha. Dadkaasi ma haystaan waxay cunaan iyo biyo cabbaan midna waayo waxba kama ay qaadan guryahoodii, ceelashii biyaha ay ka cabbaayeenna waxa soo gaadhay fataha badda.

Muwaadin xogogaal ah oo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf  Cali oo ku sugan jiidda Lughaya ayaa nooga waramay  siduu u bilaabmay duufaanku iyo xaaladdu siday immika tahay, waxanu yidhi “labadii maalmood ee u dambeeyay baddu aad bay u kacsanayd, waannu ka warhaynay in duufaanno ka dhaceen dalka Yemen, xagganna la saadaalinayo. Mawjahadaha badda ayaa aad u kacay xalay  cawayskii oo gaadhay illaa 7-8m  oo guuxoodi didiyay xoolihii fadhiyay xeelliga badda.  Baddu si aan waligeed uga dhicin deegaankan ayay usoo fatahday maanta oo meelaha ugu dheer waxay xagga barriga usoo gaadhay illaa laba kun oo tallaabo, dhararka biyahaasi waa illaa misigta ayay meelaha qaar kuu gaadhayaan, waxanay biyaha fatahay xagga fogaanta iyo xagga dhererkaba u kala badanyihiin sida dhulku u kala hooseeyo. Dadkii deganaa xeelliga badda iyo tuulooyinka ku xeeran sida Fuguxo ayuu  barakaca u weyni ku dhacay xalay illaa maanta. Dadka qaar xoolihii iyo natoodda uun bay kala baxeen, dadka qaarna xataa xoolihii waliba adhigii wuu ka qaatay geel uu waxyeelay maan maqale. Boqolaal qoys ayaa iyagoo aan buste ka haleelin garanwaaga iska dhex taagan wakhtigan aan kula hadlayo.”

Waxay u baahanyihiin dadkaasi gurmad degdeg ah oo baad iyo biyaba leh, waxanu yidhi Cabdi Yuusuf Cali. “Dadkii ku barakacay xalay illaa maanta waxa ugu daran baad iyo biyo midna ma hayaan waayo waxba kalamay soo bixin guryihii, ceelashii biyahana waxa soo gaadhay fataha, xagga shishe ee maangadka uma bixi karaan waayo harraadbaa dilaya markaa waxay ku dul meeraysanayaan garanwaaga iyo halka uu soo joogo daadku ee waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo baad iyo biyaba leh, waxay dadku u baahanyihiin baco iyo waxay cadceeda ka galaan  iyo raashinba  ee warkayaga gaadhsiiya dawladda Somaliland.”

Cabdi Yuusu Cali wuxu ku daray intaas in duufaankani uu ku koobanyahay fataahadda biyaha badda balse aanu jirin roob da’aya, dabaylo iyo qabaw midnaba. “Xalay dhulku kulayl caadi ah ayuu ahaa iyo cimillo aad u wanaagsan, cirkuna daruuro ma lahayn, immikana ma jiro roob da’ayaa. Ma laha wax dabaylo ah iyo dhaxan midnaba laakiin dhibaatadu waa fatahaaddan oo wax Ilaahay laga magangalo ah,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdilqaadir Aden Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay  soo gaadhin xagga Saylac oo ay ka dulboodday xalay balse uu ka warqabo inay waxyeeshay degmada Lughaya oo guryo badani ku dumeen. Guddoomiye ku xigeenku wuxu tilmaamay inay burburiyay duufaanku doon ay lahayd warshadda Kalluunka ee Lughaya. Waxa kale oo uu sheegay in dadka badankiisu uga baxeen magaalada Lughaya xagga barriga ka durugsan badda.

Ma jiro wax gurmad ah oo lagu badbaadinayo dadka noloshooda oo illaa hadda cidi gaadhsiisay waana xaalad degdeg ah arrintaasi.

Waxa loo baahanyahay Wasaaradda Dib u dejinta dawladda Somaliland iyo dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee arrimahani khuseeyaan iyo hay’adaha samafalka iyo sidoo kale bulshada Somaliland u gurmadaan dadweynaha jilicsan ee reer guuraaga ah ee ku waxyeeloobay biyaha badda ku soo fatahay.

Dufaantan ayaa waxay shalay ku dhufatay magaalada Mukhalla iyo gobollo ka mid ah Yemen oo illaa hadda laga daad guraynayo dadka, waxana hore loo saadaaliyay inay gacanka cadmeed uga soo gudubto dhinaca Somaliland.

 

Source: Toosh