Farxadda anigaa abuurta! – W/Q: Cabdisalaan Axmed Muse “Cagaf”

qoraagaWaxan ku soo koray nolol legdana oo guluf adag lagu qaadayo waqtiga iyo waayaha adduunka oo aan ladnaan iyo labeen ahayn.Hanaqaadkaygii dhallinyarnimo ayaa biliga hooyaday iigu danbaysay waxanan noloshayda soo jibaaxay qadaf, qoon iyo nolol ad adayg aan kaga soo gudbay.Noloshaa dheer waxan ka dhaxlay aqoon iyo waayo aragnimo aan ardayda dugsiga iyo dugaalka (jaamacada) sare midna loogu dhigin. Waatii ay hal-abuuradu hore u tilmaameen in adduunka iyo waqtiga adagi yahay macallin ka duruus iyo khibrad badan baraha dugsiga iyo dugaalka sare labadaba dadka wax ku bara. Hal-abuur da’yar oo la yidhaa Yaasiin Maddaale waa kii lahaa isagoo arrintaa tibaaxaya:

Waa macallin duunyadu

Dharaaruhuna waa qalin

Iyo buug wax lagu qoro!

Haddaba, marka laga yimaado far hunguri iyo malcaamad qur’aan yaraantii an dhigtay, aqoon kale oo sidaa u sii ridan ma lihi, oo aan ka ahayn ta waqtiga iyo adduunku I baray. Mana ihi nin ku xeel dheer ama aqoon buuran u leh xidhiidhka bulshada ee casrigan da’yartu bartaan iyo aqoonta kale ee guud midna. Haddaba,  noloshaa rafaadka iyo ragaadka ahayd waxay noqotay mid aan la qabsaday, muruqa iyo maankana aan gashay sidii an uga gudbi lahaa. Xoogsi iyo xammaalid dheer ka dib, inskastoon shaqada isku illaaway, haddana waxan ku hanbebaray xilli danbe anigoo gadh iyo gafuur leh.Muddo ba waxan isha la raaci jirey xanshashaq iyo hadalo hoose oo dhex maraya gabadha aan shaqaalaha u ahay iyo dumarka macmiisha u ah meherada. Manaan dhaadanayn wax ay ka hadlayaan. Balse waxa dhegta igaga soo duuli jirtay marmarka qaar anigoo shaqadayda iska wata “Wallee oo naa ma doobaa wali?” Anna doobab kale iyo rag ay isla garanayaan inay hadal hayaan ayaan u qaaadan jirey oo dantayda ayaan iska wadan jirey. Haddaba waxan ku war helay in ninka wali duuduuban ee doobka ahi aniga yahay, dushaana indhawadba carmal iyo cadradba la igaga meerayay. Akhriste uguma talo galin in sooyaalkaa dheer an kuu dul maro balse dulucdu waa guurkii an guursaday Xaaskayga Caasha-luul. In badan baan maqlay oo aan dhagaystay suugaan iyo murti fara badan oo ka hadlaysa kaalinta ballaadhan ee dumarku kaga jiraan nolosha. Waxa in badan odayo wax iga iibsanayay amma I ag marayaybaaanka dhego-nuugsaday.Dumarku waa saddex 1.Kabane kabto 2.Jabane kabto 3.Jabane jabiso.Midi waa naag gaariya oo hadduu helonin geesiya oo marka hore kabnaa, way sii kabtaa oo rag ba wuu dhaafaa ninkaasi. Midna waa naag dhabeel ah oo haddii nin jabane ah oo yara hacoo ah uu helo way kabtaa oo way tiirisaa, oo wuxu noqdaa nin nolosha kaalintiisa tunka iyo tagooggada u rita. Ta saddexaadna waa naag iyadu ba marka horegoonbaar ah oo haddii ay is calfadaan nin marka horeba isna hubeec ahaa way sii jabisaa isagoo marka hore ba jabnaa, wuxuna noqdaa ragga noociisa laba iyo tobnaad ee “Anna way kan”  ay odayadu ugu yeedhaan. Markaan intaa dhego-nuugsaday ee aan odayada ka bowsaday waxan hoos isku waydiiyay “ wali waxad tahay doob, waliba waxad tahay nin kabane ah oo xooggiisa iyo muriqiisa maala, ka warran haddaad heli lahayd mid yar oo ku sii kabta dhaawaca iyo dhaxamahana aad iskaga dhayato, wallaahi waa dhag” kolka waan baraarugay hu’ iyo jaamo bilic lehna waan isku taagay, dumarka wax iga iibsada iyo kuwa dariiqa maraba ishaan la yar raacaa, waanan jeedaaliyaa. Xoogsi iyo xarrago is qaban waa, dharkaan xidhaba berri waa uskag anna anigoo maanka ku haya murtida tidhaa:Saddex baa rag u liita.1.Ma toshe 2.Ma tashiisheIyo 3.ma tashade.

Ayaan habeenkii markaan ka rawaxo meherada dharka maydhaa, illeen hadda shalmadlaydaa magaaladay wax iga galeen oo diyaargarow baan ku jiraaye. Annoo xaaladaa ku jira ayaan haddana arkaa rag aanu saaxiibo nahay oo aroor walba cabasho iyo catow igu la soo kalaha oo dumarkoodii ka ashkatoonaya iyo qaar cirro ka soo baxday markay guursadeenba, markaasaan ka maaggaa guur iyo gabadh guudka dabataba. Anigoo maaggane haween ah dhanna ka maaggaya ayaan haddana maqlay laba meeris oo ka mid ah maansadii Hadraawi:

Haddaan gaari kula jirin

Ileen noloshu guul ma leh

Tol la’aay bi’I waa, waxaan gaari ahayn ba kaama dhina waa inaad caawa doontaa tii yarayd ee maqaaxida!! Go’aan kii u danbeeyay ayaan ku gaadhay inaan guursado, labadii dareen ee maagganaanta guur iyo ka maagista gabdheed waxa xoog batay ka hore, kadib markii erayo badan oo dhiirrigalin ah  jaalayaashay I siiyeen. “waa lagaa kala degi! Waad nasan oo waad nafisi! Korkaagaa laga subkan!! Waad nuuri oo daalka iyo diihaalku way kaa hadhi!! Fiid baad hoyan oo dhaxanta feedhahaaga qaybsatay habeenkaasaa kuugu danbayn!!”intan iyo in kale oo badan ba waxa igu badhi taari jirey intaanu xabiib iyo xasabo nahay.Waxan jeedaaliyo haweenka ba waxay diiyaradu qabatay inan haween quruxdood dhexdhexaad u ah, oon quruxna ka tagganayn fool xumana looga tegayn. Waa xaaskayga caasha-luul, xaaskayga caasha-luul waxanu kulanay casar liiq gaaban oo cadceedu godkeeda ku sii gurguuranayso.Anigoo wadnuhu I buglaynayo ayaan Caasha-luul iba-furka haasaawaha ku bilaabay, iyaduna si deggan oo diirran iiga qaaday salaantii, intaa kadib inkastoonaan waqtigaa laanta haasaawaha isku fiicnayn oon doobnimo ku yar gaasiray, haddana wixi aan bowsaday dhowr habeen waan ugu sheekeeyay haasaawe hallaasiya.Maba dheerayn haasawahayagu oo laba saddex toddobaad ayaanu wada sheekaysanaynay.Intaa kadib waan u bandhigay geed fadhiisi iyo guur inaan u soo dhiilo-dhaansaday  ka gadaal markaan ku qancay qurux iyo garaad ba inay leedahay. Iyaduna sida dareenkeeda ka muuqatay hoostay Alle uga mahad naqday oo way ku faraxday laakiin dareenkeeda kore wax kakan oo aanay rabin bay iskaga kay dhigtay, ileen waa dumar iyo caadadeede.

Haddaba, xaaskayga Caasha-luul aqoon dugsi iyo mid adduun oo waayo aragnimo midna may lahayn. Kolkan aan wada haasaawi jireyna waxay la joogtay Adeerkeed oo xaafadoodu miyi bay degganayd.Caasha-luul arrinkii guurka way u sheegtay adeerkeed isna hawraarsan buu yidhi, anna igu soo warcelisay oo afar oday intaan kaxaystay wixii aan gole dhigi karayay ee gabaati iyo yarad ahaa qaaday oo geeyay.Meherkii dhag lagu sii, durba waxan dalaq idhi nimco iyo naruuro.Maqribka markaan ka baxo meherada waan ka fasax qaataa, waxanan bogga ka galaa sidii ilma yar oo hooyadii ka daahday xaaskayga Caasha-luul.Dugsoon iyo diirrimaad baan ku caaweeyaa kuna casheeyaa. Ayaa habeenka kuu labanlaaba! Afar toddobaad markaan noloshaa malabka iyo miida ah ku jiray, waan aqal galay oo aroos kala dhaqaaqa ayaanu dhiganay  aniga iyo xaaskayga Caasha-luul. Raqba waa ku rageed! Markuu arooskii dhammaaday iyadana masuuliyadii gurigaa fuushay anna tii reer ka ee masruufka iyo mariinka ba lahayd. Anigu meheradii islaanta waan ka tegay, oo waxan ku tashaday inaan mid anigu aan leeyahay an samaysto.wayna ii hirgashay, oo xoolo iyo maal aan muddo badan dhigayay oo aan dhidaysanayay ayaan soo faqay.

Haddaba, meheradayda waxan ka soo rawixi jirey xilli hore balse hadda waxan ka soo rawaxaa markaan muraadoo dhan soo dhammaysto. Duhurkii ma imaado hoyga, hadhimadana waxa la iigu keenaa meherada.Maalin oo dhan waa ii hawl, shaqo adag, dhidid iyo dhafoor tifiqlayn. Kobcin iyo korrin badan oon ku sameeyay meherada awgeed hadda waxa ii shaqeeya dhowr shaqaale ah. Nolol dheer oo Samir iyo dhabar adayg aan kaga soo gudbay ka gadaal waxay iminka ii leedahay xaaskayga Caasha-luul lix ubada oo Kab iyo Karin ba u baahan, tacliin iyo tarbiyadayna aan ka maarmayn. Haddaba markaan habeen kii anigoo daal iyo diif badani iga muuqato oo kar iyo kulayl iga baxayo imaado guriga, xaaskayga Caasha-luul ima soo dhawayso, ima dejiso, meel nafisa oo aan ku nasto iima sii diyaariso oo aan ka ahayn gogosha iyada iyo ubadkeedu dul bilqan yihiin, ee ciida iyo carrada maantoo dhan ubadku ku shabayeen ee ay ku dul ciyaarayeen.

Waxan hoyga imaad xilli danbe xaaskayga Caasha-luulna waxay irrida iga furtaa hiifid iyo haaraamid iyadoo isku daraysa. Anna markaasaan sii gubtaa oo sii ololaa, haddana waan dul qaataa oo waxan is idhaa, ubadka aayahooda eeg. Waxan filayay maalmahaan guurka maagganaa inaan galayo nolol malaba oo aan dhammaad lahayn.Balse marka laga tego afartii cishee hore waxan soo galay nolol diiqad iyo diihaal ah.Waxan filayay markaan xaaskayga Caasha-luul la haasaawi jirey, inay kalgacayl iyo jacayl aan dhammaad lahayn I waraabin doonto.Siday ilmaha yar naaska ugu habtana iigu haaneedin doonto.Balse waxay I kabadsiisay kulayl iyo kar kale oo kaygii shaqada iigu biirsamay. Mararkay Caasha-luul ubadka ka ugu yar gaaxnuug yare jaqsiinayso, waxan dareemaa inay kuwan yar yari ba iga qaadeen dhabtii iyo boggii diirranaa ee maalmiihii arooska aan dalaq odhan jirey fiidka hore ba!!Waxan filayay inaan nolosha maaran waaga ah ka baxo, oo shaqada iyo daalkeeda ka nasan doono markaan Caasha-luul guursado, balse waan hungoobay oo halase iyo holac baa iigu biirsamay hawshii.

Markaan arko magaca suubban ee aabaheed iyo hooyadeed ugu wan qaleen ee “Caasha-luul” qalbiga iyo qalfoofka sare ee jidhka ayaa dareen nololeed u dubaaxin jiray oo maskaxda iyo maanka ayaa sawir nololeed qurux badan oo kalgacal iyo jacayl ku dheehan yahay I hor keeni jiray. Markaasay naftu u muhan jirtay la kulankeeda, maankuna u miiraabi jiray aragtideeda.Waxan niyadda iyo nabdiga ku maaweelin jiray raaxo iyo rayn rayn nololeed ayaad ku dabbaalan hadh iyo habeen. Waxanan nafta u sheegi jiray rafaad iyo ragaad waxa kuugu danbaysa hoy la galka iyo hu’ la huwashada Caasha-luul, gogol la wadaagida iyo guri la jooga Caasha-luul. Waxan isku sabaalayn jiray gallad iyo gal macaana oo raaxo nololeed ah waxa kaa xiga inta kaaga dhiman guurka iyo la guri galka Caasha-luul. Waxanan ogaalkay qalbiga ku dejisan jiray oon filan jiray erayadiii dhiirrigalinta jaalayaashay ee ay ka midka ahayd “Korkaaga laga subkan” waxanan is oran jiray oo cawlaanka iyo busaarada ba waxa kuugu wacan Caasha-luul la’aanta.

Haddaba, inkastoo da’yarta aqoonta dugsi iyo mid dugaal sare leh ba marka ay is guursadaan haddaad booqato hoygooda amma maalin u raacdo jaalahaa gurigiisa aad ogaanayso amma aad la kulmayso iyagoon kalgacayl iyo jacayl badan isku muujinayn, haddiiba ayna hortaada isku dhaleecayn ba, aanad garwaaqsanaysid inaanay aqoonta casrigu wax ba ka beddelin wada dhaqanka lammaanaha jiilkan kacay, haddana aniga iyo xaaskayga Caasha-luul oo ah laba aan aqoon dugsi lahayn, marka laga tago ta waayo aragnimo ee waqtiga iyo wacaasha adduunku I bartay, anigoon saarayn dhaliisha xaaskayga Caasha-luul oo kaliya balse garwaaqsan in ay anigana wax badan iga tabanayso, haddana waxan anigu ku dhaamaa xaaskayga waxan adeegsadaa mar kasta weedhaha kobciya ee kor u qaada kalgacaylka lammaanaha. Balse xaaskaygu waa mid haddaan ammaano iyo haddaan eedeeyo ay iskugu mid tahay. Habeen dhawayd ayuun bay ahayd markii aniga iyo jaale aad qaali iigu ah aanu tagnay gurigayga xilli fiid-cawl ah. waxa iga furtay gabadhaydii, oo aanan ka filayn kalgacayl iyo soo dhawayn fiican, balse aan is lahaa dumaashigeed  ayay kalgacayl u muujin doontaa.

Haddaba, markaanu irridii hore soo dhaafnay ayaan sidii caadada ii ahayd ku salaamay erayo kalgacayl iyo naxariisi ka ceegaagto. “gacaliso, noloshaydii, qalbigaygii, qayb ka mida wadnahaygaad tahay xabiibi see tahay, oo ubadkiina ka warran biya yarna isii”  cajiib!! Kaaf iy kala dheeri! Caasha-luul oo aan ka sugayay inay iigu  warceliso erayo kobciya oo kor u qaada kalgacaylka iyo jacaylka naga dhexeeya. Daalka iyo diihaalka shaqadana iga reeba, markii hore markaan ku idhaahdo ee aan jacayl weyn u muujiyo way iga aammusi jirtey oo iimay jawaabi jirin, laakiin caawa way ba cadhootay sidii aan caayay!! Mise afkay buuraysaaba!! Hadda waa gabadhii aan is lahaa kalgacaylka ku sab oo ku sabaalee, iyaduna ha kugu habto oo ha kuu haaneedo balayada jacaylka. Adna aad ka hirqatid oo aad ku illowdid daalka iyo dacaska kaa muuqda. Waxan garan waayey in xaaskayga Caasha-luul ay erayadan cay u taqaan!Oo ay yihiin ba weedhahan beerka lulayaa kuwa aniga iyo xaaskayga dabka naga dhex shidaya iyo in gabadhaydu hore iigu sii cadhoonaysay.Markaan waydiiyay inay cadho hore ii qabtayna waxay tidhi “maya, kuu cadhoon maayo”  “Haddaa gacalo maxa ku helay?” “waxba ima helin” bal adba! Haddaba, xaaskayga Caasha-luul meel aan uga noqdo ma joogo, waxana la yidhi “caydhi mar bay guursataa” ta kale lixdayda caruurta ah ma hooyo tiri karo! Daalka iyo diihaalka shaqadaanan iskaga dhayan xaaskayga Caasha-luul.Ceeb kalena ma laha akhriste xaaskaygu laakiin:FARXADDA ANIGAA ABUURTA!!

Balse lammaanaha maanta ee soomalida waxan kula talin lahaa, inay noloshaa hore ee aniga iyo xaaskayga Caasha-luul wax ka beddelaan, oo ay abuuraan nolol ka naxariis iyo naruuro badan. Oo aqoonta ay barteeni ay wax ka beddesho noloshooda guud ahaan.

W/Q. Cabdisalaan Axmed Muuse “Cagaf”

Email.Cagaf143@hotmail.com                                           ALLAA MAHAD LEH.

Hargeisa.Somaliland.

DHAMMAAD