FARRIIN U GAAR AH ERGADA GOLAHA DHEXE EE KULMIYE

 

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye, Mudane Xasan Siciid Yuusuf ayaa waxa uu farriin wargelin ah u jeediyay dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga in ay galaan sawirada lagu dhajinayo kaadhadhka aqoonsiga ee kalfadhiga bilaabmaya 10ka bisha dambe.

Mudane Xasan Siciid waxa uu wargelintiisan ku yidhi  “Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE inta joogta magaalada Hargeysa gudaheeda, waxa si xishamad iyo qadarin leh loogu wargelinayaa in laga bilaabo 17/10/2015, maalinta Sabtida, xarunta dhexe ee xisbiga laga bilaabayo diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee Golaha Dhexe.
Sidaas darteed, waxa laga rabaa in xubin kastaa keento laba sawir ama ay sawirka iskaga qaadaan xarunta xisbiga.
ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf