Farriin Muhiim Ah Oo Ku Socota Xildhibaan Kasta Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland W/Q: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta

Xildhibaanka Sharafta badanowWaxaa Maanta Miiskaaga dul saaran oo ku horyaalla Nuqulka Heshiiska Horumarineed ee Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ay dhawaan la saxeexatay Wadanka Imaaraadka iyo Shirkada DP World ee ku saabsan Horumarinta Dekedeena Berbera iyo Ganacsiga Dalkeena si aad u naaqishto oo aad uga gudato Waajibka Dastuuriga ah ee kaa saaran si u heshiiskaasi u noqdo mid midho dhal ah oo Dastuurka Dalkeena Waafaqsan.

 

 

 

 

 

 

 

Mudane Xildhibaan

 

 

Waxaad Xogogaal u tahay duruufaha adag ee dhaqaale ee Dalkeena Hooyo ka jira, waxaad aragtaa sida aynu Qaran ahaan Shacbi iyo Xukuumadba aynu ula daalaa-dhacaynay sugida Amnigeena, Kobcinta Dhaqaalaheena iyo Dhismaha Adeegyadeena Bulsho 25kii sanadood ee aynu soo dhaafnay inaga oo keligeen isku tashanayna. Allah mahadi haka gaadhee waynu kusoo moodnay oo ku soo naaloonay siyaasadaas gunti giijiska ah ee aynu ku soconay mudadaas.

 

 

Xildhibaankayga Sharafta Badanoow

 

 

Shan iyo Labaatan sanadood ka dib waxaa is bedelay duruufihii dhaqan/dhaqaale ee Bulshadeena, waxa koray dhalinyaradeenii oo ku barbaaray duruufo ka duwan kuwii ay ku noolaayeen dhalinyardii Sagaashameedyadii, waxa aynu yeelanay kumanaan dhalinyaro ah oo Jaamacado inooga soo baxay oo doonaya xaqna u leh inay u noolaadaan sida ay u nool yihiin dhalinyarada dunida. Taasoo sababta in ay dhalinyaradeenii Badaha isku guraan iyaga oo raadinaya nolosha ay haystaan dhalinta kale ee Dunida ee ay ka mid tahay Waxbarasho tayo leh iyo Shaqo Rasmi ah oo ay helaan si ay noloshooda u dhisaan.

 

 

Mudane Xildhibaan

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Isaga oo ogsoon waaqaca dhabta ah ee Dalkeena ka jira, isla markaasna fahamsan in aynaan Qaran ahaan sii jiri karin hadii aynaan Maalgalin balaadhan oo Caalami ah helin si aynu u abuurno dhaqaale aynu ku jihayno kuna daboolno Baahida dhalinyaradeena iyo Shaqo Abuurka Dadweynaheena, Isaga oo taas ka duulaya ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu ay geed dheer iyo geed gaabanba ay u fuuleen in Maalgalin Caalami ah aynu u helno Dalkeena iyo Dekedeheena.

 

 

Mudane Xildhibaan

 

 

Adiga oo Ogsoon Cadawga Debeda ee aynu leenahay ee doonaya inaynaan hal talaabo hore u qaadin, Adiga oo ogsoon culayska iyo cadaadiska ay meelo badan inaga saareen Cadawgeena manaxayaasha ah ee Damiirka xun ee ay Aqoonsi la’aanteenu lugta inoo qabatay kuwaasoo Aqoonsiga ay haystaan darteed dagaal cad ugu jira inuu fashilmo heshiiskaas taariikhiga ah ee aynu la galnay Shirkada DP World iyo Dalka Imaaraadka oo ah heshiiskii ugu weynaa uguna qiimaha badnaa ee aynu Abidkeen la galno Shirkad Caalami ah iyo Dal kale.

 

 

Mudane Xildhibaan

 

Maanta waxaa ku horyaalla inaad kala doorato laba qodob oo kala ah:

  1. Inaad Dadkaaga iyo Dalkaaga iyo Dawladaada la safato oo aad Heshiiskan taageerto oo aad Nolol u Abuurto Dhalinyaradaada Badaha ku dhimanaya isla markaasna aad muwaadiniintaada ugu hiiliso in Dhaqaalahoodu uu kobco oo ay shaqooyin helaan, Dalkeenan Mandaqada Istiraatijiga ah ku yaallaana uu u noqdo mid lagu soo hirto oo Shirkadaha Caalamka iyo Ganacsatada Dunidu ay Maalgashato oo Aqoonsi Hela.
  2. Qodobka kale ee ku horyaalla waa inaad Cadawgeena Garab siiso oo aad heshiiskan is hor taagto, oo dhalinyaradeenii ay niyad jab iyo shaqo la’aan ay ku sii jiraan kuna sii qulqulaan dariiqii dhimashada ee Tahriibka, dalkeenuna uu ahaado mid ay ragaadiso dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan aakhirka keeni karta inuu Qarankeenu dumo oo Cadawgeenu farxo.

 

 

Xildhibaankayga Sharafta Badanoow waxaa maanta ku horyaalla labadaas qodob inaad kala doorato, waxaa kugu waajib ah inaad xasuusato Dhaartii aad u martay Dalkaaga iyo Dadkaaga, waxaa kugu waajib ah inaad dib u milicsato kumanaankii qof ee Bacadka iyo kulaylka Qorraxda kuu taagnaa ee kuu codeeyay si aad u noqoto Xildhibaan Danahooda ka shaqeeya.

 

Waan Hubaa oo Waan ku Kalsoonahay in aad Garab istaagi doonto Danaha Dalkaaga iyo Dadkaaga oo aad Cod dheer HAA ugu coddeyn doonto heshiiskan taariikhiga ah

 

Maanta maaha Maalin Xisbi, Maaha Maalin Qabiil, Maaha Maalin Muxaafid ama Maalin Mucaarid. Waa Maalin Somaliland, Waa Maalin Mudan inaynu Dunida Tusno in aynu nahay Ummad Danaha Dalkooda u Middaysan isla markaasna Qaranka Somalilandna uu yahay Qaran Albaabadiisa ay u furan yihiin cid kasta oo Maalgalin ku Samaynaysa.

 

 

 

Fadlan Xildhibaan ku Codee HAA oo u Hiili Dalkaaga, Dadkaaga iyo Dawladnimadaada.

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta

Jamhuuriyada Somaliland